|
|
|
|
Thursday, 14 February 2008 |
|
Walaalayaal waxa sannadahan denbe ku fiday dhalinyarada Islaamka inamo iyo habloba khayr ha igu bushaarayn, waxayna raaceen dhaqankii gaalada waxayna abaabulayaan xafladihii Ciida Jacaylka, inta ay noqon lahaayeen Daaciyiin iyo Ehlu Cilmi u adeega shareecada Islaamka, shareecadu waxay nasteexo u tahay dhamaan ummada Islaamka, qofka Islaamka ahina waa in uu ka dheeraada wixii ka reeban islaanimada. |
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Shir balaadhan oo ay maanta ka soo qayb galeen Wasiirka diinta iyo awqaafta, Cadaalada iyo garsoorka, imaamyada Masaajidada Hargaysa ayaa lagaga waramay salaada iyo faa’iidadeeda, waxaana laga dooday cabashooyin ay dadweynuhu ka soo jeediyeen wakhtiyada laga eedaamo Masaajidada iyo wakhtiyada la tukado oo la sheegay inay jahawareer ku sameeyaan dadka cibaadaysanaya. |
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro] ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawl-galkii lagu soo furtay ninkii Jarmalka ahaa Mr.Danial Brow ee shalay lagu qafaashay Deegaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu cadeeyey oo uu la socodsiiyey Adduun-weynaha in aanay Somaliland ku badbaadi doonin budhcadu awood kasta oo ay leeyihiin. |
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Sarkaalkii ka tirsana Hayada Samafalka ee shalay lagu qafaashay Degaanka Ceerigaabo ayaa ciidanka Booliska ee Gobolkaasi ka soo daayeen dablaydii,ka dib markii ay laba ka mida ka dhaawaceen. ku qaaday kooxdaa dablayda ah ayaa ku guulaystay inuu ku soo daayo Sarkaalkaa ka tirsanaa hayada Samafalaka,islamrkaana ku soo qabtay laba ka mida dablaydaas oo dhaawacan iyo gaadhi Nooca loo yaqaan seerafka,oo la hayd lambarka Puntland. |
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Marka hore waxa aanu Akhristayaasha sharafta leh ka raalli gelinaynaa hakadkii dheeraa ee ku yimid Update-ka Shabakada, anagoo ku howlanayn dhisida Bogga Diinta ee Shabakada iyo hirgelinta Shabakad gaar ah oo boggaas diintu yeelanayo. Illaahay baana mahadleh inoo fududeeyay hirgelinta iyo abuurista Bogga Diinta iyo Shabakada Al Hidaaya ( www.alhidaaya.info ) oo ah shabakad aqooneed, waxa kale oo mahad leh dhammaan cidii ka qayb qaadatay howshaa aadka u balaadhan ee Shabakada sida bixinta codadka, duubista iyo dhisida Shabakadaba. |
|
Tuesday, 11 December 2007 |
|
Haddaba , Anigoo tix-raacaya dastuurka JSL , qodobadiisa 111-aad faqradiisa 1-aad iyo 42-aad faqradiisa 3-aad iyo go’aankii ay wada jirka u gaadheen Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranku , kaasi oo ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July , 2008. waxaan si qadarin mudan idiinka codsanayaa in aad Golaha Deegaanka ee hadda jira u sharciyaysaan sii haynta xilka Mudadaa ka hadhay doorashada Golaha Deegaanka cusub’’. |
|
Tuesday, 11 December 2007 |
|
“Masuuliyiinta xidhan oo Madaxweynuhu in badan ballanqaaday in uu soo dayn doono anigu waxaan qabaa in waxa ku xigaa uu yahay in la dili doono, waayo mar haddii in la xidhaa dambi noqon wayday oo ay dambiilayaal noqdeen, Maxamed Cabdi Gaboose ururkiisii la odhan jiray SAHAN markii uu hadhay isaga iyo saraakiishii u sarsaraysayba waxay ku biireen UDUB, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo aasaasayaashii SNM ahaa waxa uu mid noqday taageerayaashii u horreeyey ee UDUB, labaduba maanta halkay joogaan? Jeelka Madheera ayey ku jiraan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale |
|
Monday, 10 December 2007 |
|
“Xuquuqal iinsaanku halkee ayuu ka bilaabmaa? Waxa uu ka bilaabmaa qofka naftiisa oo xaq ayey ku leedahay, marka naftaada laga yimaado waxa la imanayaa qoyskii oo waa in la tarbiyadeeyo Caruurta, waana Xuquuq ay Caruurtu inagu leeyihiin, sababta oo ah Caruurtani waa kuwii dhisayey haykalkii dawladnimo ee Mustaqbalka ” ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin |
|
|
Monday, 10 December 2007 |
|
Koox Salaaddiin ah oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada beelaha deegaanka Hargeysa ayaa shalay booqasho ugu tegey siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera. Salaaddiintaas oo toddobaad ka hor ay soo baxday booqashadooda Mandheera oo lagu tilmaamay mid la xidhiidha waanwaan ay isku deyayaan inay ku soo afjaraan xadhiga siyaasiyiintaas, waxa u xaqiijiyey wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo ka mid ahaa kooxda Salaaddiinta ah ee Jeelka Mandheera ku booqatay siyaasiyiintaa xidhan. |
|
|
Monday, 10 December 2007 |
|
Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey dhibaatooyinka dhallinyarada ku xeeran iyo sidii looga samato-bixin lahaa, ayaa Sabtidii habeen hore lagu qabtay xarunta jaamacadda caalamiga ah ee International Horn University ee magaalada Hargeysa. |
|
|
Sunday, 09 December 2007 |
|
Guddoomiyaha oo ay kula kulmeen qolka Marti-sharafta ee Madaarka Hargeysa weriyayaal ka socdey Radio Horyaal iyo Shabakadda Wararka ee Somaliland.org, wax yar ka hor intii aanu halkaa ka dhoofin, waxa uu sheegay inuu u baxayo gudashada Xajka, sidaas darteed aanu ka hadlayn wax siyaasad ah. Waxase uu u duceeyey shacbiga Somaliland, guud ahaan dadka Muslimiinta ah iyo xujaajta uu ka midka yahay ee sannadkan gudanaysa waajibaadka Xajka. |
|
|
Sunday, 09 December 2007 |
|
Anaga oo ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanka Habar Yonis ee Waqooyiga America; waxaanu isla garanay in Xukuumadda maanta waddanka Somaliland hoggaanka u haysaa ay muujisay karti la'aan iyo kelitalisnimo; taasoo keentay inay suurtogal noqoto in ay dhacaan arrimaha hoos ku xusani; |
|
|
Saturday, 08 December 2007 |
|
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta ka hadlayaa arimaha hoos ku qoran: (1) Sicir bararka, (2) Amni darada magaalada Hargeysa iyo Fawaaxishka, (3) Iswaafajinta Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Go’aankii Seddexda Xisbi Qaran iyo Komishinka, (4) Dareenka Xisbiga UCID ee Eriga Suxufiyeenta Koonfureed, (5) Taageerida dhawaaqa Pentagon (Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykan, ictiraafka Somaliland), (6) Fulin la’aanta 25% (boqolkiiba 25) tiiwaangelinta ee ay balanqaaday dawladu. |
|
|
Saturday, 08 December 2007 |
|

Hase yeeshee, waxaa shalay ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ay ku kulmeen madaxda xisbiga KULMIYE, Masuuliyiin sare iyo xubno ka tirsan xisbiga Talada haya ee UDUB iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, taas oo ku bilaabantay, kuna dhammaatay farxad, kaftan, xushmad iyo jawi aad u qurux badan. |
|
|
Friday, 07 December 2007 |
|
Sheekh Aadan X Max’ud xiiray( Aadan siiro) oo ka mida culimada waaweyn ee magaalada hargeysa oo Imaam ka ah masaajidka xaafada Xawaadle ee Magaalada Hargeysa ayaa si weyn ugu dhaliilay inay siyaasiyiinta axsaabta qaranku ummada ku jahawareeriyaan beelo iyo siyaasad aan midho dhal ahayn oo ay bulshadu ka soo gudubtay. |
|
|
Friday, 07 December 2007 |
|
Ciidanka laanta Socdaalka Booliska Gobolka Saaxil,ee ka hawlgala Madaarka Berbera ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi [Dakhare],isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo magac faalso ah ku soo raacay Diyaarada African Airline ee uu la socday. |
|
| << Start < Prev 1 2 3 4 Next > End >>
| | Results 1 - 16 of 51 |
|
|