|
Saturday, 31 March 2007 |
|
Qaar ka mid ah aqoonyahanka dalka Ereteriya ayaa si weyn uga cadhooday aragtida sarkaal hore uga tirsanaan jiray hay’adda sirdoonka Maraykanka (CIA) Mr. Paul Henze, oo dhawaan sheegay in Somaliland bulshada caalamka ka mutaysatay ictiraaf Caalami ah oo ay xiitaa aqoonsi ka mudantahay wadanka Ereteriya oo uu ku tilmaamay mid ku tuntay Dimuqraadiyadda. |
|
|
Saturday, 31 March 2007 |
|
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed MSiilaanyo ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dagaallada iyo duqeynta ka soo cusboonaaday magaallada muqdisho ee u dhaxaysa ciidamada dawllada ku meelgaadhka iyo ciidamada Ethiopianka ee is garabsanaya, iyo maleeshiyaadka iska caabinta ee ka soo horjeeda,isla markaana ay soo xasuusinayso dawladii Maxamed Siyaad Barre dadka reer Somaliland xasuuqaysay kuna garaacaysay, madaafiicda iyo banbooyinka. |
|
|
Saturday, 31 March 2007 |
|
uriga Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa habeen hore saqdii dhexe lala beegsaday Bambo Gacmeed. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay Wasiirka oo xalay u waramay Wargeyska. Wasiirku, waxa uu sheegay in Bam gacmeedkaas oo aanay ciddi waxba ku noqon guriga lagu soo tuuray Abaaro 2:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee habeen hore, “Nasiib Wanaag Gidaarka ayuu ku dhacay oo cidi waxba kumay noqon.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaaji Daahir. |
|
|
Saturday, 31 March 2007 |
|
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa dhawaan sheegay in Golaha Guurtidu joojiyey waan-waantii uu doonayey inuu ku xallilo khilaafka ka dhashay Komishanka ee u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, kadib markii Madaxweyne Riyaale diidey. Waxa uu guddoomiye Saleebaan uu intaas ku daray oo sheegay in Shirguddoonka Wakiilladu ogolaaday, kalsoonina ku siiyey dhexdhexaadinta, balse Madaxweyne Riyaale uu diidey dhexdhexaadintooda, isaga oo noo sheegay ayuu yidhi "in xallinta arrintan uu u arko inay sharciga marto". |
|
|