|
Monday, 30 April 2007 |
|

1.In jiritaanka iyo midnimada Qaranka Somaliland uu yahay muqaddas dawlad iyo shicibna si wada jir ah loo difaaco xuduudaha Qaranka Somaliland haddii dibadda laga soo weeraro. 2. In la qabyo-tiro lana tayeeyo Maamulka bariga iyo koonfurta Gobolka Sanaag. 3. In Ciidanka Qaranka ee Saldhigga 3aad dib loo habeeyo, loona diyaar gareeyo Ciidan waajibaadkiisa qaran gudan kara. |
|
|
Sunday, 29 April 2007 |
|
Habkan Cilmi-baadhista Wadaagga ah ee fal-galka ahi waa mid soo if-baxday xilliyadan danbe, waana mid muhiim ah oo loo adeegsado wax-qabashada, Horumarka iyo dhalan-rogga bulshada iyo kooxahaba. Immika aad ayaa loo horumariyay waxaana adeegsada Hay’adaha Horumarka, Jaamicadaha iyo ururro badan oo madaniya. |
|
|
Saturday, 28 April 2007 |
|
Buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay shir Caalami ahaa oo lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, dalka Maraykanka lagagana hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya, ka dib markii uu uu danjirihii hore ugu fadhiyi jiray Maraykanka dalka Itoobiya Ambassador David Shinn kulankaas kaga dhawaaqay in arrinta Somaliland gaar looga saaro arrimaha dalka Soomaaliya. |
|
|
Saturday, 28 April 2007 |
|
36 qof oo ka kala socday Ururada dhalinyarada, Ururada bulshada iyo xubno ka socday wasaaradaha dawlada ayaa aqoon isweydaarsi shalay loogu soo geba gabeeyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Aqoon isweydaarsigan oo socday sadex cisho ah waxa soo qabanqaabisay dalada NAGAAD, waxa mudadii uu socday lagu baranayey xidhiidhka ka dhexeeya Raga iyo Dumarka iyo doorka ay ka ciyaaraan arrimaha bulshada. |
|
|
Saturday, 28 April 2007 |
|
Shir ay isugu yimaadeen 15O qof oo isugu jiray Odayaasha, Culimo awdiinta, Ganacsatada iyo Dhalinyarada Beesha Biciido Cumar Jibriil ee Habar-Jecelo ayaa Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md, Saleebaan Maxamuud Aadan uga digay inuu faraha kala baxo kursi ay sheegeen inay beeshu ku la hayd Golaha Guurtida oo uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Cali Jaamac oo ay beeshu shir ay isugu yimaadeen isku waafaqay inay ku buuxiyaan wiil uu dhalay Marxuumkaasi oo lagu magacaabo Mustafe Xuseen Cali Jaamac oo uu doonayo inuu Gudoomiyuhu ku bixinayo abaal-gud siyaasadeed. |
|
|
|
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>
|
| Results 1 - 9 of 99 |