|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Wafdigaa Shiinaha oo ka kooban 14 qof intii ay joogeen dalka JS waxay soo booqdeen dhawr meelood oo ay ka mid tahay degmada Berbera. Casho shareftaa oo ka dhacday qasriga madextooyada waxa kaloo ka soo qayb galay wasiiro iyo madex kale oo ka tirsan Somaliland. Wafdiga Shiinuhu waxay si wayn ugu mahad naqeen dawladda iyo shacbiga Somaliland si diiran ee loogu soo dalka intii ay joogeen. |
|
|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa galabta dalka ku soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen socdaal ay ku tageen dalka Ingiriiska. Weftiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska kala qayb galay xuskii 18 May ee lagu qabtay magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Ingiriiska |
|
|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Madaxweynuhu wuxuu garawsaday in Xukunkii Maxaabiista laga dhigo sidan, In la joojiyo labadii Xukunka dilka ahaa ku xukunnaa, looguna bedelo 20 sanno oo xadhig ah. 1.Maxamed Cali Ciise iyo 2. Jaamac Cabdi Ismaaciil (Kuutiye) In shantii Xabsi Daa’imka ku Xukunnaa, loogu bedelo 15 sanno oo xadhig ah. 1. Axmed Clime Samatar 2.Cali Muuse Maxamuud 3.Daa’uud Saalax Iidle 4.Cali Maxamed Cawaale iyo 5. Farxaan Cabdulle Maxamuud In Labadii min labaatanka sanno (20) ee xadhiga ahaa ku Xukunnaana loog bedelo 10 sanno oo xadhig ah. 1. Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac ( Indho-cadde) 2. Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf In Saddexdii, min saddex iyo tobanka sanno (13) ee xadhiga ahaa ku xukunaana loogu bedelo 6 sanno oo xadhig ah. 1. Maxamed Cabdi Xaamud ( Jacfar). 2. Yaasiin Khaalid Cismaan 3. Yaxye Cabdiraxmaan Cali |
|
|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Waxa ay nagu yidhaahdeen Siyaad Barre ayaa idin doonaya. ‘Isgaadhsiinta’ ciidanka ayaa niman basaasiin ahi ay Siyaad Barre uga soo sheegeen in aanu dhawr xero marnay. Sidaas awgeed ayaanu noogu yeedhayay. Waxa aan ku idhi ‘Imika uma tagayo Siyaad, waayo saaxiibadaydii aanu go’aanka wada qaadan lahayn waxaan ka hayaa Maxamed Nuur, marka aanu is wada helno ee aanu tashano go’aana gaadhno ayaan Siyaad la kulmi karaa. |
|
|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Munaasibadan oo kulmisay Siyaasiyiin badan, waxa soo qabanqaabiyey garabka haweenka xisbiga KULMIYE, waxaana ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi [C/raxmaan Cirro], Guddoomiye Ku xigeenka Urur siyaasadeedka Qaran Md. Maxamed Xaashi Cilmi, saraakiil sar sare oo ka tirsanaan jiray Ururkii SNM, xildhibaano, iyo dadweyne tira badan. |
|
|
|
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>
|
| Results 1 - 9 of 94 |