|
Thursday, 06 December 2007 |
|
Anaga oo kala ah dadka hoos ku xusan, waxa aanu hambalyo bogaadin iyo duco isugu jirta u diraynaa Ali Ahmed Mohamed Silanyo iyo Osob Abdilahi Liiban Ducaale Casyr oo meherkoodii ka dhacay wadanka Somaliland magaalada Hargeysa Taariikhdu markay ahayd 6dii December 2007. Waxaanu Illahay uga baryayaan inay noqdaan kuwii isku raaga, ubad khayr qabana Ilaahay kala siiyo. Isla markaana gurigoodu ku dhaqa diinta islaamka. AAMIIN |
|
Tuesday, 13 November 2007 |
|
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. |
|
Tuesday, 13 November 2007 |
|
Asalaama calaykum wr wb. Maansadan yar waxay soo baxday 2007-11-11. Waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed, waxaanay xus u tahay xasuuqa ka dhacay isla wiiggaas magaalada Xamar. Waxay kaloo xasuusin u tahay dadka aanay weli ka dhaadhicin cadaawadda gaamurtay ee xabashida. Ereyga “Amxaar” ee gabayga ku jira loolama jeedo qoomiyadda “axmaara”, waxaase loola jeedaa nadaamka Xabashida iyo ciidamadooda duulaanka ah |
|
Saturday, 04 August 2007 |
|
Xilligan oo ay Somaliland ku sii sisibanayso kala jajab qabyaaladeed inta aan la gaadhin doorashada madaxweynaha ee la qaban doono bilowga sannadka 2008, waxa jira siyaasi keliya oo ay sii fiican ugu muuqato dhiilada ina soo food saartay dadkana uga digay in aanay ka dhicin daynta. |
|
Friday, 15 June 2007 |
|
Waxa dhawaan ka dhacday Caasimada Somaliland ee Hargeysa dhacdo yar oo ka dhalatay dhul laysku qabsaday oo waliba lagu qabsaday mulkiilihii iska lahaa dhulka. Iyadoo waliba inta lasoo weeraray gurigiisii iyo meheradiisiiba lashiiday lana bililiqaystay, iyadoo dhaawacyo xunna loo geystay dumarkii iyo caruurtii xaafada ku sugnaa wakhtigaas. Taasina ay keentay inay ciidanka amnigu jeelka utaxaabaan dhamaan dambiilayaashii falkaas foosha xun geystay. |
|
Wednesday, 06 June 2007 |
|
Dadweynaha reer Somaliland waxay walaalohood ula tageen calankii ay inoo ka soo dhiciyeen gumaystaha oo ay ku dheehan tahay walaalnimo, kalgacayl iyo kalsooni. Waxay dhulka ku mudeen tiirkii ugu horreeyay ee Soomaali xor ah oo midaysan. Taas oo ah tillaabo taariikhi ah oo jiilasha Soomaaliyeed ku qadarin doonaan walaalohood. Ma aysan dalban xoolo, madaxnimo iyo dano kale oo gaar ah toonna. Wax kasta waxaa kala weynaa in ay ishoodu ku qabawsato Soomaali weyn oo midnimo iyo madaxbannaani ku raaxaysanaysa. |
|
Thursday, 31 May 2007 |
|
Anagoo ah dhalintii ku soo kacaantay Garoonkii la odhan jirey " Biroole " ee ku yaala xaafada Goljano..ee magalada Hargeysa gaar ahaan schoolka sha'ab grils.....oo ah dhalintii reer goljano ee waaweynayd iyo kuwii yaryaraaba...ee kubada ku ciyaari jiray garoonkaa oo ahaa ka uu ka soo baxay marxuum " SAAQA ", oo kala ah...Iyo dhamaan ciyaartooygii reer hargeysa iyo ciyaartooygii reer burco waxay tacsidan u diryaan marxuun maxamed caabi ciise " saaqa". in uu ilaahay janadii naxariis ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan ciirtoyga reer somaliland kuwii hore iyo kuwa hadaba samir iyo iimaan ka siiyo....amiin...amiin ... amiin |
|
Thursday, 24 May 2007 |
|
Waxa hubanti sugan ah in umadda Somaliland tahay dad wada dhashay oo walaalo ah oo wajibaadka iyo xuquuqda dalkoodaba si siman u wada leh oo aan abtirsiin qabiil iyo tusmo gobol toona ku kala sarayn. Markay arrintu sidaas tahay, waxa xaaraan inaga wada ah in qof muwaadin ahi uu muwaadin kale oo la siman uu is bido inuu xuquuq gaar ah dheeryahay. Waxa hubaal ah inay jiraan dad cunsuriyadii dhaadashada qabiil weli dabada sii haya oo inay abtirsiin dhalasho qaykrood kaga xuquq badan yihiin ku hadaaqaya. Waxa aynu wada ognahay in rag siyaasiyiinta magaca leh ee dalka qaarkood ay dhaadashada noocaas ah si qaawan oo aan qarsoodi lahayn ugu adeegsadaan ololaha tartankooda. |
|
Wednesday, 23 May 2007 |
|
Xisbiga kulmiye waxa dhaqan u ah inuu qofkastaa cabiri karo fikirkiisa iyo arraadiisa si aw hore ugu mariyo geedi socodka siyaasadeed ee xisbiga asagoo ka ilaalinaya shaqsi weerar iyo qof nebcaysi.Waxa maalmahan danbe soo baxaya maqaalo jawaabo ah oo xabaarsan shaqsi weerar taasoo ka baxsan aadna uga fog dhaqankii xalaasha ahaa ee kulmiye kusoo caano maalay si loo dhaxalsiiyo ummada kobcinta qiyamka iyo garaadka siyaasiga ay u baahan tahay. |
|
Tuesday, 17 April 2007 |
|
“Waar majeerteenow xageed iiga tageysaan? Tollaayeey haddaan Ilmaadeeraday meel kala dagaal galo miyay dhaawac igaga tagi lahaayeen!”, ayaa hadal ugu dambeysay markay dhawar nin oo ka tirsan ciidamada Somaliland isa soo dul istaageen dabeeto intay dhufteen ayay saareen gaadhi Toyota ah. “ Waar yaa ahaydeen?” markuu mar yidhi ayuu miyir belay. |
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Hogaamiyayasha mucaaridka Somaliland waxa ay u muuqdaan in ay waayeen Jiheeyahoodii siyaasadeed tan iyo markii dawladda federaalka ee ku meel gaadhka ahi ay meesha ka saartay maxkamadihii islaamiga magaalada Muqdisho. Markii ay ilaabeen in Somaliland ay Itoobiya ugu xidhantahay arrimo muhiim ah, waxa ay bilaabeen hogaamiyayaashaasi in ay dhaleeceeyaan Itoobiya waxa ay ugu yeedheen duulaanka Itoobiya ee Soomaaliya, inkasta oo ay si dadban ay u dhaleeceeyeen. |
|
Wednesday, 11 April 2007 |
|
Markaad eegto xaladaha ka aloosan geeska africa gaar haan Itoobiya iyo Soomaaliya iyo Somaliland waxaa is weydiin mudan dhowr arimood. Haddaan ku horayno xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliland iyo itoobiya waxay inoo sheegaan siyaasiyiinteenu inuu aad u wanaagsan yahay mararka qaarna inaynu labo dal ah oo walaalo ah nahay, isla markaana markasta oo booqasho lagu tago jawaabta kasoo baxdaa ay tahay si wanaagsan ayaanu isu af garanay iyadoo la xuso ugu horayntii dhinaca nabadgelyada iyo dhaqaalaha. |
|
Wednesday, 11 April 2007 |
|
naan qoraalkan soo gudbiyo waxaa igu dhaliyey markaan akhriyey maqaal kusoo baxay Togdheernews 07/04/07.ninka ku guuleystey inuu sameeyo cagafcagaf. Runtii waa wax lagu farxo muujinaysana haddii dadku isku taxlujiyaan inay hindisaan wax cusub inay ka gungaadhayaan mudaday doonto ha qaadatee islamarkaana kalsooni ku abuuraysa. Farsamooyinka waddan laga hirgeliyo waxad arkaysaa iyadoo caalamkoo dhan gaadhey,taasna waxaa sababa haddii la helo furaha ugu horeeya in la ambaqaadi karo qaabab (degns) kala duwana laga dhigi karo. Waxaa kaloo iyana xusid mudan Aabaha ku dhiiri geliyey oo isna tusaale noqon kara. Halkan waxaan kusoo bandhigayaa weedho muhiim u ah horumarka shaqsiga bani aadamka ah gaar ahaan muslimiinta. |
|