|
|
|
|
Friday, 08 June 2007 |
|
Waxa la sheegaa in beri ay tuugi ku badatay deegaan, dadkii oo khadyaan ka taagan ayaa in badan ku canaantay Booliiska in ay wax ka qaban waayeen tuugtan soo badatay taas oo keentay in madaxdii Booliiskuna ay aad u canaantaan askartooda faraanna in la qabto tuugtan. Maalin maalmaha kamid ah ayuu nin Booliis ahi waxa uu ka shakiyay nin si gucle ah u socda ka dib waa uu daba galay. Markii uu in yar daba socday ayuu ninkii kordhiyay orodkii, ninkii booliiska ahaa waxa uu isna kordhiyay socodkii laakiin markii uu ninkii arkay ayaabu cagaha wax ka dayay. Ninkii booliiska ahaa waxa ka daba orday ninkiii ordayay rubuc saac kadib ayaanu qabtay. Ninkii booliiska ahaa waxa uu ku yidhi, “Markii aad I aragtay maxaad u carartay..? |
|
Sunday, 20 May 2007 |
|
Galab ayaa waxa wada tukaday Salaadii Makhrib Afar Islaamood oo la kala yidhaahdo Xadiyo, Xaadsan, Xaawa iyo Xalwo, waxaana tukinaysay Xaadsan oo Odaygeedu Qalin Duure ahaa (Mowliidka Bowsaday) cilmina la yar biday. Markii ay galeen salaadii ayaa waxa soo hor martay ri, ridaas oo dhex istaagtay halkii ay salaada ku tukanayeen, dabadeedna Xadiyo ayaa tidhi “Ju ju” iyadoo doonaysa in ay rida ka erido halkay ku tukanayeen. |
|
Wednesday, 16 May 2007 |
|
Jaaxid oo ahaa nin Carbeed oo ku caan baxay sheekooyinka qosolka ah, waxa lagu xaman jiray fool xumo. Jaaxid maalin ayuu ka sheekeeyay qiso ku dhacday, waxa uu yidhi, “Waxa ay igu yaab badnayd maalin, Aniga oo taagan gurigayga albaabkiisa ayaa waxa ii timi gabadh. |
|
Monday, 14 May 2007 |
|
Oday aad u Cibaado badan ayaa waxa uu maalin Islaantiisi ku yidhi aynu wada tukanno salaadda. (Isku jamacsanno). Islaanti way ka ogolaatay, ka dibna. Markii ay galeen salaaddii ayaa waxa la yidhi, Islaantii halkii ay ka akhriyi lahayd Faataxada ayaa waxa ay ku bilowday oo ay akhriday Attaxiyaadkii. |
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
laba nin oo reer waqooyi ah oo macalimiin ah ayaa berigii dawladii Soomaliya loo badalay meel koonfurtaa ah. Markii meesha loo badalayay ayaa lasii siiyay dardaran ah "Meesha iska ilaaya oo dadkaasi waxbay sirxaan dadkana dibi ayayba ka dhigaan guriga ku hor xidhan" iyaguna markii ay meeshi tageen way is ilaalin jireen, midna keligii muu socon jiran meel kasta oo ay tagayaana way isku raaci jireen haba noqoto dukaanka agtooda ah-ba. |
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Ninbaa waxa uu ku noola magaalo, waxaana ku adkaatay noloshii magalaadan. Fikir badan ka dib waxa uu go’aansaday in uu isaga tago waanu ka lugeeyay. Isagoo dhexda sii maraya ayuu ku arkay wadadii uu socday dhinaceeda lafo qof oo yaala waanu ku leexday ka bacdina waxa uu arkay in uu yahay madax qof waana uu laaday. Waxaa u jawaabay oo hadlay madaxii waxaanu ku yidhi “Ma wadada intaa le’eg ayaa ku qaadi wayday maxaad naga soo doontay oo nagu laad-laadaysaa" waxana uu ku yidhi "Waxan ku waydiyay Maxaa lagugu dilay" waxa uu yidhi "Waxa la igu dilay afkayga ayaan haysan waayay ee afkaaga uun hayso" dabadeedna wuu iska dhaafay. |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Nin ayaa magaaladii uu joogay ka waayay gabadh u qalanta oo uu guursado. Magaaladii ayuu isaga tagay waxaanu tagay magaalo kale, markii uu gaadhay magaaladii kale ayuu ku degey xaafad ay wax isku yihiin. Inyar ka dib waxa uu soo dhex mar-maray magaaladii cusbayd ee uu yimid. Isla markiiba waxa uu arkay gabadh guri hortii fadhida oo uu aad uga helay, isaga oo hhos isula hadalaya ayuu yidhi “Tan ayaa ii qalanta oo aan guursan doona” waxana uu ku soo leexday gabadhii oo uu la hadlay. Hadal iyo sheeko badan ka dib waxa uu waydiiyay su’aalo kale duwan oo ay ka mid tahay “Miyaad lagu qabaa”, waxayna u sheegtay in aan la qabin ayna tahay calaf doon, isla markiiba waxa uu ku yidhi ka waran haddii aynu heshiino oo aan ku guursado meherkeenuna imika dhaco. |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Nin aad u jaad cun badan oo Yurub jooga ayaa waxa uu gurigisa u soo hoyan jiray wakhti denbe. Markuu in badan sidaa ahaa, ayuu habeen habeenada ka mid ah gabadhiisa is qabsadeen waxana dhex martay dood iyo muran badan, ugu dambayntiina gabadhiisi waxay ku heshiiyeen oo ay ku tidhi: "Wixii imika ka denbeeya haddii aad hore u soo hoyan waydo guriga ha igu soo garaacin" Ninkiina gabadhiisi wuu ka yeelay arrintaa ay soo jeedisay maadama wakhtigan dambe ee uu guriga soo garaacayaa uu yahay wakhti aan ku haboonay |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Nin reer miyi ah oo geel badan lahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo la jooga geeli ayuu arkay muraayad (Iskaatusto) taala wado agtiisa ah. Markii uu arkay ayuu soo qaaday ka dibna wuu eeg eegay ilaa uu arkay wajigiisi oo aanu weligii arag, wajigiisaas oo u ekaa aabihii oo wakhti hore dhintay. Ka dib markii uu wajigiisa ka dhex arkay muraayadii (Iskaatustadii) aad ayuu ula yaabay, waxaanu isla markiiba niyadiisa ku soo dhacday oo uu is yidhi “ Waar kanow aabaha soo daahirye malaa waxa uu doonayaa in aad xoolo u qalsho!”. |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Waxaa Diyaarad wada raacay nin Falastiini ah iyo nin Yahuudi ah. Nasiib wanaag waxaa lagu qoray laba kursi oo isku xiga, hase ahaatee waxaa markiiba dhankii daaqada yar xigtey ku orday kii Yahuudiga ahaa, falastiinigiina wuu u deystey markii uu arkay inuu danaynayo inuu daaqadaasi ka daawado bilicda dhulka hoose ee buuro iyo daruuro leh ee diyaaradu dul-haadayso. Sidii ayaanu Yuhuudigii u xigsaday dhankii Daaqada. Markii ay diyaaradu muddo hawada ku sii jirtey ayaa Yuhuudigii ninkii Falastiiniga ahaa ka codsaday in uu siiyo jidka yar ee u dhexeeya labada saf ee kuraasta diyaarada; si uu u soo qaato cabitaan Juice ah. Falastiiniga lugihiisa ayaa u fidsanaa. |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Waayadii ay Sucuudiga shaqooyinku ka furnaayeen, ayaa waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo tag ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfureed. Waxay gaadhigii saarnaadaanba markay meel dhexe marayaan ayuu gaadhigii kula dhacay meel god(xurfad) ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyiga ahaa, wuxuuna yidhi, “Yaa Rasuulullaahi!!” Sheekh Carab ah oo agtiisa fadhiyey ayaa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday ku yidhi, “Ilaahaaga ma taqaanid miyaa?!!. Kadibna ninkii reer waqooyiga ahaa ayaa iska aamusay isaga oo cadhaysan. Gaadhigii ayaa iska sii socday… Mar labaad ayuu hadana meel kale oo god ah ku dhacay. Dabadeedna ninkii reer koonfureedka ahaa ayaa yidhi,“ Shiikh Cabdulqaadiroow!!”. Markaas ninkii reer waqooyiga ahaa oo cadhaysanaa ayaa intuu dhirbaaxsho indhaha muudsaday kuna yidhi, “Waar kii weynaa baa meel loo la' yahay, markaas ayaad shiikh la soo ordaysaa.!!! |
|
|
Saturday, 14 April 2007 |
|
Waxa jiri jirey nin ku caan baxay bakheylnimo oo lagu tilmaamo inay labada gacmoodba go'an yihiin. Dadka qaarkoodna ay yidhaahdaan wuxuu ka xanaaqa "HOO" ama wax siinta dadka uu wax dhaamo. Ninkani bakheylnimadiisa waxa xitaa og dadka masaakiinta ah oo aan weligood waxba weydiisan, Ninkani waa nin xoolo leh oo lagu tilmaamo Taajir Cabaas, waase bakhayl aad u jecel hantida badan. |
|
| |
|
|