|
Friday, 08 June 2007 |
|
1- ma ogtahay in qaarada America intaan la ogaan ka hor ay degi jireen hindida cas-cas,tiradoodana waxaa lagu qiyaasaayey ku dhowaad 12 malyan,laakiin maanta tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 800,000 oo keliya. 2- ma ogtahay in Beeraha lusha ee ka mida 7 mucjiso ee aduunka uu dhisay Nabuukhad Nasrumalik Baabil,taariikhda miilaadiga ka hor. |
|
Wednesday, 23 May 2007 |
|
Ma ogtahay in Timirta ay ku jiraan maaddooyin cunno ah oo kala gedisan sida, Sonkor, dhanaan, Faytamiinno iyo macdanno, macdannahan oo aanay jirin cunto kale oo wada koobsatay. Mase ogtahay in Timirtu ay jilciso qoysana Neerfayaasha caloosha taas oo keenta in qofka aad u isticmaala Timirtu uu ka badbaado Wahsiga, Faaligga (Dhinac Qalalka), jidhka oo Qallala (Jajaba), dibno Qalalka iyo Xanuuno badan oo ku dhaca beerka iyo Caloosha. |
|
Wednesday, 23 May 2007 |
|
Ma ogtahay in Daqiiqad kasta ay dunida Laba (2) qof u dhintaan Shil baabuur. Halka Malyuun iyo Laba boqol oo kun oo qof ay sannad kasta u dhintaan shilka baabuurta. Tira koob la sameeyay ayaa muujiyay in dalalka intooda badan dadka yaalla Cisbiltaalladu ay Boqolkiiba Toban (10%) yihiin kuwo ku wax yeelloobay shilalka ka dhaca waddooyinka. Waxa kale oo tiro koobkan lagu ogaaday in dunida sannad kasta ay kaga baxdo 518 Milyaar oo dollar. Halka dalalka uu liito dhaqaalahoodu (dunida saddexaad) ay sanadkii kaga baxdo Hal Milyaar oo Dollar. Arinta yaabka lahi waxa ay tahay in kharashkan dunida Saddexaad kaga baxa shilalka baabuurtu uu laban laab ka badan yahay Caawimada la siiyo dalalkan. |
|
|
Wednesday, 23 May 2007 |
|
Dalka Maraykanka ay dhacdo sideetan xaaladood oo is dil ah, taas sannadkii ka dhigaysa dadka naftooda dillaa inay gaadhaan 126 kun oo xaaladood. Sababaha ay dadkani isku dilayaan ayaa lagu tilmaamay isku buuq badan iyo werwer xaga nolosha ka haysta. |
|
|
Wednesday, 23 May 2007 |
|
Cidii caruurta ugu hor islaamtay waxa uu ahaa Cali Binu Abu Daalib. Cidii Nabiga (CSW) ugu hor rumaysay raga xorta ah waxa uu ahaa Abu Bokor Sidiiq. Cidii ugu horesay ee u Hijriyoota dhulka xabashida ee ka mid ahayd reer Binu Makhsuun waxa uu ahaa Abu Salama Binu Cabdi Asad Waxana la socday Gabadhiisi |
|
|