|
Friday, 08 June 2007 |
|
Aqoontu da’ ma leh, wax xaddidaana ma jiraan. Caruurtaada ha barin kaliya sida loo xoogsado ee bar sida loo noolaado. Waxba ha ku riyaaqin guulahaaga, naxariistaada iyo caannimadaada, waayo haddii aanad u wanaagsanayn waalidkaa sinaba kuma nabad galaysid. ¨ Waalidku waxa uu kaa mudan yahay ixtiraam iyo qaddarin, marka ay waynaadaan ama ay bukaan ayaanay ugu baahi badan yihiin ixtiraamkaaga ee la ogo. Waligaa codkaaga kor ha ugu qaadin (ha ku qaylin) una ducee mar walba. |
|
Sunday, 20 May 2007 |
|
Xanuun kastaa dawo ayaa uu leeyahay, ka hortagga ayaana ka fiican daawaynta. Isku day hab kasta oo aad kaga hortagi karto in xanuun, Allaah kuuma qadaro ee haddii ay dhacdo in aad bukootana ogow in ay waajib tahay in aad is dawaysaa. ¨ Haddii aad leedahay Dhabar ama Qoor Xanuun ama aad jeceshahay in aad ka hortagto in ay kugu dhacaan, Ku seexo furaash adag kana dheeroow sariirta isbiriinka ah. Haddii da’daadu ay gaadhay Afartan Jir waaba kugu waajib in aad sidan yeeshaa. |
|
Sunday, 20 May 2007 |
|
Labadaba arrimahan oo marka lagu daro dilka iyo dhufaanista noqday kuwo wadno go’ ku ah raggii ay Arraweelo u talin jirtay. Waxa aanay arrintu ka gaadhay in qaarkood ay Arraweelo u maleeyaan lab ama ugu yaraan haweenay leh qaybo badan oo raganimo ah. Waxa la sheegaa in Arraweelo intii aanay naftu ka bixin ay ku barooranaysay, Ba’ayeeeey, Ba’ayeeey. Oo ah erey dumarka Soomaalidu u isticmaalaan si ay muujiyaan dhib ama masiibo ku dhacday, Halka raggu ay ka isticmaalaan ereyga, Tollaaay… Tollaaay… |
|
Wednesday, 16 May 2007 |
|
Sida ay qabaan kuwo badan oo kamid ah culimada cilmi naqfsiga iyo kuwa ku takhasusay maamulista dadku arintaas ay aaminsan yihiin maamulayaashu ma’aha sidaas. Waxa aad moodaa maamulayaashu in ay ilowsan yihiin arrin muhiim ah. Dhaqanka ayaa intaas oo dhan ka horaye. Waxa ay aaminsan yihiin Culimada Cilmi Nafsigu in dhaqanka aan loo dhalan ee uu yahay shay la baran karo lana beddeli karo. Waxa ay leeyihiin, |
|
Monday, 14 May 2007 |
|
Sida ay sheeegayso taariikh dhaqameedka afka lagu kala dhaxlay ee Somalidii hore Arraweelo waxa ay ahayd hogaamiso awood badan oo u talin jirtay mid kamid ah beelihii waaweynaa ee Soomaalidii xiligeeda jirtay. Arraweelo waxa ay taarikhda iyo sheeko xariireedka Soomaalida kaga jirtaa meel muhiim ah waxaana laga yabaa inay tahay haweenaydii u horaysay una dambaysay ee ilaa hadda boqornimo ugu talisa Soomaalida. |
|
Monday, 14 May 2007 |
|
Waa Qoraal Taxane ah oo aynu ku soo bandhigayno wax yaabaha furaha u ah dhaqannada Suuban. Isku day in aad su’aalahan kaga jawaabta Haa ama Maya. Si aad u ogaato qiimaynta dhaqankaaga. 1) Haddii aad saf (Kayuu) ku jirto, in aad doorkaaga sugto sabir ma u leedahay? |
|
Sunday, 29 April 2007 |
|
Iimaanka dhabta ahi wuxuu baabiiyaa dhamaan werwerka iyo hamiga badan waxaanu keenaa degenaansho. Wixii tagay tiigsimaad ma laha waana wax aan dib u soo noqonayn, markaas waxaa loo baahan yahay inaad ku ku xisaabtanto wixii taagan adoo cashar ka baranaya wixii tagay. |
|
|
Sunday, 29 April 2007 |
|
Beryahan danbe waxa dalalka islaamka ku soo kordhaya dumarka oo ka mid noqda baarlamaanadooda, arrintan oo khilaaf iyo dood wayn ka dhex abuuray culimada islaamka iyo hogaamiyeyaasha siyaasada. Culimaduna waxa ay ka soo saaren fatooyin badan oo ay gabadha uga digayaan in ay gurigeeda ka soo baxdo oo ay ku dhex milanto masraxa siyaasada, culimada qaarna waxa ay ka qoreenba kutub ay kaga hadlayaan xaqa u siiyey islaamku gabadha islaamka ah. |
|
|
Sunday, 29 April 2007 |
|
Waxa ay doortaan madax, waxaanay ku bedelaan madax kale, waxa loo doortaa xubnaha ururkan si aad looga fiirsaday, waxa ka mid ah Siyaasiyiin, maalqabeeno iyo aqoonyahano. Kulanka ururkan waxa lagu qabtaa meel qarsoon oo aanay cidi ogeen aadna loo ilaaliyo. Ururkan mihiimadiisa kowaad waa in uu dunida oo dhan ku maamulo aragtidiisa iyo rabitaankiisa, ururkani waa meesha ay ka soo bilaabantay in dunida meel qudha laga maamulo ama erayga Globaligation ama “Carro adegayn” |
|
|
Sunday, 15 April 2007 |
|
1894 ninkii Faransiiska ahaa ee la odhan jiray Alkuwnit Darkur ayaa waxa uu wax ka qoray dumarka Masar isaga oo si ba’an u weeraray xijaabka alle ina amray, Iyo dhamaan dadka muslimiita ah ee aqoonta leh. Hadana sannadkii 1899 Qaasim amiina waxa uu qoray Buug uu aad ugu taageerayo Afkaarta Alkunit. Isla sanadkaa hore Mustafe Kamil waxa uu aad u weeraray islaamka waxaanu beeray afkaartii Gumaysiga Ingiriis. Dhaqaalayahankii reer Masar ee Caanka ahaa Maxamed Dalca ayaa si kulul ugu jawaabay buugii Qaasim amiin, kaas oo uu ku sheegay in xijaabka la tuuro iyo raga iyo dumarkii is dhexgalaan tahay diin gaalo. |
|
|
Sunday, 15 April 2007 |
|
Beryahan danbe waxa dalalka islaamka ku soo kordhaya dumarka oo ka mid noqda baarlamaanadooda, arrintan oo khilaaf iyo dood wayn ka dhex abuuray culimada islaamka iyo hogaamiyeyaasha siyaasada. Culimaduna waxa ay ka soo saaren fatooyin badan oo ay gabadha uga digayaan in ay gurigeeda ka soo baxdo oo ay ku dhex milanto masraxa siyaasada, culimada qaarna waxa ay ka qoreenba kutub ay kaga hadlayaan xaqa u siiyey islaamku gabadha islaamka ah. |
|
|