Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Advertisement
Gabadh iyo Xuquuqda siyaasiga ah ee uu Islaamku siiyey Print
Sunday, 15 April 2007

Beryahan danbe waxa dalalka islaamka ku soo kordhaya dumarka oo ka mid noqda baarlamaanadooda, arrintan oo khilaaf iyo dood wayn ka dhex abuuray culimada islaamka iyo hogaamiyeyaasha siyaasada. Culimaduna waxa ay ka soo saaren fatooyin badan oo ay gabadha uga digayaan in ay gurigeeda ka soo baxdo oo ay ku dhex milanto masraxa siyaasada, culimada qaarna waxa ay ka qoreenba kutub ay kaga hadlayaan xaqa u siiyey islaamku gabadha islaamka ah.

Hadaba sida aynu wada ognahay markii uu ilaahaya abuuray bani’aadamka waxa uu ka dhigay lab iyo dhadig aanu midba ka kale la’aantii noolaan karin, mid kastana waxa uu siisay waxyaabo u gaar ah oo aanu lahayn ka kale, hadday tahay gaab dhismeedka jidhka, nafta hormoonada iyo neer fisyadadaba, qaaciidada  cilmi ah ayaa tidhaahda kala duwanaanshaha qaab dhismeedka xubnaha waxa  u keenaa in ay kala duwanaanadaan shaqooyinkooduna. iyada oo ay kala duwan yihiin ragga iyo dumarku ayaa hadana u quraanku sheegay waxa ay ka sinaan karaan iyo faraqa u dhexeeya labadoodaba.

Waxa kale oo ay ku kala duwan yihiin shaqooyinka ay qabtaan ee guriga gudihiisa iyo dibadiisaba. Gabadhu waxa ay masuul ka tahay tarbiyada caruurta, u adeegida odaygeeda iyo in ay guriga ka dhigto mid degen oo xasiloon, ninkana waxa uu ilaahay ku waajibiyey in uu raadiyo quutal daruuriga guriga iyo inuu soo shaqeeyo.

Sh. Cabdul Majiid As Sandaani oo ka mid ah culimada waaweyn ee islaamka waxa u qoray kitaab aad u qiimo badan oo ka hadlaya xaqa ay gabadha muslimka ahi ku leedahay islaamka dhexdiisa, waxaana u bixiyey “Al Mar’a wa xuquuqiha siyaasiya fil islaam” taas oo micneheedu yahay “Gabadha muslimada ah iyo xaqa u siiyey islaamku”.

Waxa u kitaabkaasi ku sheegay dhibaatada ka dhalan karta marka ay dumarku ka soo baxaan guryahooda, dhibaatooyinkaasi qaar ka mid ahna waxa uu ku sheegay:- “Furfuran ku dhacay guryihii, dayacnaan faro badan oo ku dhacday caruurtii, shaqo la’aan baahsan, furniinka oo batay, dhalmadii oo la yareeyay, kufsi iyo dhamaan falalka xun xun oo ay la kulmeen dumarku oo si kordhay”.

Hase yeeshee gabadhu dawrka muhiimka ah ee ay bulshadeeda ka dhex qaban karto, meesha kamuu saarin sheekhu, isaga oo ugu horaysiiyey in ay gabadhu ka shaqayn karto ururada gargaarka iyo waxbarashada dumarka, caafimaadka iwm.

Gabadhu in ay dibada u baxdo oo ay shaqo tagtaa waa in ay waafaqsanaataa qawaaniinta shareecada haddii kale waxa dhici kara sida u sheekhu sheegay dayac badan oo ku yimaada warshadii soo saaraysay dadka.

Islaamku waxa uu damaanad qaaday haweenka xuquuqo faro badan oo ay ka mid yihiin arimaha dhaqaalaha, bulshada qaanuunka, inla maamuso lana dhegeysto rayigeeda, in ay maamulato ganacsigeeda iyo in ay ku tasarufto hantideeda. Hase yeeshee Sheekhu waxa uu ka waramay cidda ku haboon in ay umad hogaamiso oo u ku sheegay in ay yihiin ragga ilaahayna awood u siiyey sidii ay wax u maamuli lahaayeen, waxaana uu ka dayriyey sheekhu sida ay u adag tahay in haween maamulaan umad islaam ah amaba ay ka mid noqdaan golayaasha dawlada

 
< Prev
Search

Maqaalo/Opinion

DALJIRE: Oob jac.. Dib u Jeeeeeso

Indhahaagu sow ma ilmaynayaan (maanso)

 
 
Codeyn
Maxaad Ka Xiiseysaa Webka?
 
Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka?
 
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info