Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Advertisement
Noqo Dadka Ka Ugu Farxad Badan Print
Sunday, 29 April 2007

Iimaanka dhabta ahi wuxuu baabiiyaa dhamaan werwerka iyo hamiga badan waxaanu keenaa degenaansho. Wixii tagay tiigsimaad ma laha waana wax aan dib u soo noqonayn, markaas waxaa loo baahan yahay inaad ku ku xisaabtanto wixii taagan adoo cashar ka baranaya wixii tagay.

Waa inaad raalli ku noqotaa wixii illaahay ku siiyay, maal, caafimaad, carruur iwm, maxaa yeelay arsaaqadu waa mid qaybsan oo qofba ilaahay in ka siiyay.

Haddii aad subax joogto ah sugin inaad galabaysato ku noolow xuduuda maalintaa, ku dadaal sidii aad maalintaa taagan u hagaajin lahayd arimahaaga.

Mustaqbalka udaa sidiisa hana ka werwerin berri siday noqon doontaa, maxaa yeelay haddii aad hogaajiso maanta beerina way kuu hagaagi.

Dunida ilaahay SWT wuxuu ku dhisay nidaam, wax walba waxay ku socdaan nidaam, waxaa kugu waajiba inaad habayso dhamaan arimahaaga adduunyo iyo aakhiro sida xafiiskaaga, hoygaaga, dharkaaga.

Ku dadaal inaad samayso jimicsi iyo socod, kana dheerow caajisnimada hurdada badan iyo fadhiga leh firaaqada badan, ogow toban miridh oo aad jimicsataa inay leedhaya faa’iido caafimaad oo badan.

Ka dheerow balwadaha ragaadiyay mujtamaca intiisa badan sida Qiijinta Sigaarka, Shiishada iyo Cunista gaadka.

Ilaali nadaafadaada jidheed ama  ku dadaal inaad marwalba nadaafad qaadato adoo xasusan in cadayga iyo uduguba yihiin sunahii Neabigeena N.N.K.H.

Habee oo qorshee wakhtigaaga, mid waxbarasho mid shaqo iyo mid cibaadaba si aad if iyo aakhiroba u liibaantid.

Hore u seexo si aad hore ugu kacdo, ogsoonow qofka Salaada subax tukada ee sidaa cadceeda ugu soo baxdo isagoo aan hurdo dib ugu noqon in u dadka ugu firircoon yahay.

La noolow qur’aanka kariimka ah adoo akhriyaya oo ku camal falaya.

Ilaahay talo saaro oo u bandhig dhamaan arrimahaaga raali ku noqo xukunkiisa, magan gal isaga, oo mar walba ku xidhnow.

Iska Saamax qofka ku dhiba, xidhiidhi qofka ku jara, sii qofka kuu diida, u dulqaado kii waxa ku yeela, maxaa yeelay waa astaantii Nebigeenii Muxumed (CSW).

Ku Celceli kelmada (Laa xawla walaa quwata ilaa bilaah) waxay furtaa laabta, waxay wanaajisaa arrimaha, waxay furtaa farajka waxaanay raali gelisaa Illaahay (SW).

Badi dambi dhaaf dalabka.

Ku qanac muuqaalkaaga, mawhibadaada, dakhligaaga, guriggaaga, xaaskaaga waxaad heli doontaa daganaanshee.

Ogow in culayskastaaba leeyahay fudayd, fudayd kastaana wato culas, maalmuhuna is badalayaan.

Ku Noolow rajo fiican, ha noqon mid ka quusta nolosha malahaaga wanaaji hanoqon balaayo sheeg, sheeg war fiican.

Wanaaji dadka u samafal, boqoo qofka buka, wax sii masaakiinta, u naxariiso ogoomaha si aad u noqoto mid la xasuusto oo la tabo.

Inagoo qormo ku soo koobi karin waxyaabaha qofka muslimka looga baahan yahay si uu uga tago werwerka oo uu noqdo mid farxad ku noolaada, hadana bal aynu qaybo kale ka soo qaadano mawduuceeni taxanaha inoo ahaa.

·    Waxaad ogaataa in aduunyadu tahay daar imtixaan oo dhib badan, illaahay talo saaro isagaa kaaga filaane.

·    Farxadda iyo naxdintu waa laba arrimood oo is barbar socda noloshun iyadaa wadata arrimahaas, qofka muslimka ah ee ogaadaa iskuma cusleeyo waxaanu ku dadaalaa sidii uu werwerka ugu samri lahaa.

·    Xaasidnimada iyo calool ku haynta ka dheerow qalbiga ayay xumeeyaane.

·    Waa inaad ka dheeraataa dhamaan wixii camalo xun ah maxaa yeelay waxay qofka ku abuuran werwer iyo cidhiidh nafsaani ah.

·    Noqo mid geesi ah oo naftiisa kantaroola, go’aan gaadashadu waa arrin muhiim u ah melaynta iyo maaraynta arrimaha, haddii lagu xumeeyo ku badal wanaag, ha aargoosan waxaad heli doontaa daganaansho iyo magac fiican bulshada dhexdeeana sharafbaad ku yeelan.

·    Isku dheeli tir inaad dhisto ruuxda iyo jidhka haddii aad ruuxdaada dhisto waxaad ku noolaan daganaansho,.

·    Shaqooyinkaaga qaybi oo waqti u samee hal mar oo aad shaqooyin badan wada qabato waxay keentaa daal iyo cidhiidhi badan oo nafseed

·    Ogow in nolosha sirteedu tahay in allah wayn la caabudo

Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)

Hargeysa Somaliland

 
< Prev   Next >
Search

Maqaalo/Opinion

DALJIRE: Oob jac.. Dib u Jeeeeeso

Indhahaagu sow ma ilmaynayaan (maanso)

 
 
Codeyn
Maxaad Ka Xiiseysaa Webka?
 
Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka?
 
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info