Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Advertisement
Hogaamiyayaashii Magaca lahaa Ee Soomaalidii hore Print
Monday, 14 May 2007

Kamaal Axmed Cali 

1. Arraweelo.

Sida ay sheeegayso taariikh dhaqameedka afka lagu kala dhaxlay ee Somalidii hore Arraweelo waxa ay ahayd hogaamiso awood badan oo u talin jirtay mid kamid ah beelihii waaweynaa ee Soomaalidii xiligeeda jirtay. Arraweelo waxa ay taarikhda iyo sheeko xariireedka Soomaalida kaga jirtaa meel muhiim ah waxaana laga yabaa inay tahay haweenaydii u horaysay una dambaysay ee ilaa hadda boqornimo ugu talisa Soomaalida.

Taariikhuhu waxa ay sheegayaan in xilliyadii ay Araweelo talinaysay ay ahayd qiyaas ahaan Kun sano ka hor taariikhda Miilaadiga ah iyo inay talinaysay Toddobaatan ilaa Siddeetan sano. Sida aynu ka fahmayno taariikhahaas Arraweelo waxay jeclayd xukunka sidaa awgeed ayaanay ugu dadaali jirtay sidii ay ugu sii fadhiyi lahayd kursigii boqortooyada. Arraweelo oo aad uga cabsi qabtay in raggu mar uun ka qaadi doonaan boqornimada ayaa waxa ay soo rogtay sharci cusub oo ay filaysay in uu xakamayn doono ragga. Sharciyadan waxa kamid ahaa mid dhigayay in la dhufaano Inan (Lab) kasta  oo u dhasha qoysaskii deganaa deegaanadii ay boqortooyadeedu ka talinaysay.

Arraweelo waxa ay sidan u yeeshay si ay u dhinto taranka ragga iyo malaha iyada oo sida aynu innaguba u naqaano ku waday in ragga ay dhufaantaa ay ka geesinimo ama ugu yaraan Shar iyo damac yaraan doonaan kuwa qoodha ah. Arraweelo waxa ay guursatay Oday biiqay waxa aanay u dhashay Inan (Dhedig), intii ay talada haysay Arraweelo ayaa inanteedii ay kortay guursatayna kadib waxa ay dhashay inan (Lab). Araweelo waxa ay dhowr jeer doontay in la dilo ama ugu yaraan la dhufaano inankan ay inanteedu dhashay, laakiin waa beer wax dhalay iyo caadadiiye inantii ilmaha dhashay way ku baroortay hooyadeed Arraweelo waxa aanay ka codsatay in ilmahan loo daayo ugu yaraan  inta uu fadhi baranaayo, dhago adayg baddan kadib Arraweelo way ogolaatay codsigii inanteeda.

Wax la tiriyay ma badna, wakhtiguna waa sida hillaaca oo kale durbadiiba hal sano ayaa dhamaatay inankii yaraana waa uu fadhi bartay, Arraweelana waxay soo celisay dalabkeedii ahaa in la dilo ama la dhufaano, inantiina halkii ayay ka bilowday baroortii iyada oo ku cel celinaysa baryadii ahayd in aan la dilin inankeeda waxa ay markan codsanaysay in la daayo inankan yar inta uu istaag baranaayo. Nasiib wanaageeda way ku guulaysatay in laga ogolaado wixii ay codsanaysay. Sidii ayay inantii mar walba hooyadeed Arraweelo uga codsanaysay in dib loo dhigo dilka inankan ay dhashay. Sidii ayaanay ku waday ilaa ay codsatay in laa daayo si uu uga caawiyo soo ururunta xaabada iyo biyo dhaanka oo ahaa laba shaqo oo muhiim u ahaa noloshii barigaa.

 Inankii yaraa waxa uu gaadhay Siddeed iyo Toban jira Arraweelana way ka saamaxday dilkii iyo dhufaankiiba. Sida ay sheegayso taariikhda Soomaalidu inankan ay Arraweelo u ahayd ayayda hooyadii waxay bartay wax kasta iyo xeelad kasta oo uu iskaga difaaci karo cidii isku dayda inay naftiisa wax yeelayso. Waxa la sheegaa bari dambe oo ah intii ay talinaysay Arraweelo inay dhacday abaar ba’an oo dad iyo xoolaba ku le’edeen dad badan oo degganaa deegaankii ay Arraweelo joogtay ayaa iskugu yimid ceel sida la sheegay aad u biyo badnaa oo xiliga ay daran tahay lo soo aroori jiray. Waxa la yidhi boqoradii waa Arraweelo ee, ayaa timid ceelkii waxaanay amar ku bixisay in aanu qof qudhii dheglay biyo ah darsan inta ay ka maydhanayso dadkiina waxay amar ku siisay in tuunbo biyaha u gaynaysay xamaamka ay ku maydhanayso ay ku dhaamiyaan biyaha sidii ayaanay ay yeeleen si ay uga  qaboojiyaan boqorada soomal haadka abaartana ay uga nafisto. Halka dadkii iyo xoolihii aroorka ahaana ay tubnaayeen ceelka dushiisa inta ogolaanshiyo loo siinayo inay dhaansadaan xoolahana waraabsadaan.

Nasiib darro maalintii oo dhan waxa ay ku dhaaminayeen biyihii tuumbadii ay boqoraddu amartay, laakiin boqoradii marna may joojin may dhashadii dadkana waxa ka wada muuqday daal iyo diif qoraxda oo kululayd awgeed waxaana intaa u dheerayd haraad iyo shaqada loo diray oo cuslayd, halka ay Arraweelana kolba ka lahayd fartan ayaa hadhay oo aanan maydhin iyo fartaas  ayaa ay wax u dhiman yihiin ee wada biyaha,. Dadkii oo dhami khaatiyaan ayay taagnaayeen talana way ku caddaatay oo may garanayn wax ay yeelaan iyo sidii ay iskaga qaban lahaayeen xad gudubkan ay kula kacayso boqoraddoodu. Inankii ay Arraweelo u Ayayda ahayd  ayaa ka damqaday arrimahan dhacaya waxa aanu u sii dul qaadan kari waayay axmaqnimada ay Ayaydiisa boqorada ahi kula dhaqmayso bulshada. Waxa la yidhi si lama filaan ah ayaa isaga oo cadhaysay uu ula soo baxay warankisii waxaanu halbowlaha ku jaray ayeeyadii Arraweelo. Waxa la sheegaa in Arraweelo intii ay noolayd ee ay talinaysay ay u dhawaaqi jirtay una hadli jirtay sida ragga, waxa ay lahayd dhaqanada ragga iyo dumarka   

labadaba arrimahan  oo marka lagu daro dilka iyo dhufaanista noqday kuwo wadno go’ ku ah raggii ay Arraweelo u talin jirtay. Waxa aanay arrintu ka gaadhay in qaarkood ay Arraweelo u maleeyaan lab

La Soco…

 
< Prev   Next >
Search

Maqaalo/Opinion

DALJIRE: Oob jac.. Dib u Jeeeeeso

Indhahaagu sow ma ilmaynayaan (maanso)

 
 
Codeyn
Maxaad Ka Xiiseysaa Webka?
 
Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka?
 
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info