Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Advertisement
Anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan Qaybtii 2aad Print
Wednesday, 16 May 2007

Diyaariye: Kamaal Axmed Cali

Sida ay qabaan kuwo badan oo kamid ah culimada cilmi naqfsiga iyo kuwa ku takhasusay maamulista dadku arintaas ay aaminsan yihiin maamulayaashu ma’aha sidaas. Waxa aad moodaa maamulayaashu in ay ilowsan yihiin arrin muhiim ah. Dhaqanka ayaa intaas oo dhan ka horaye. Waxa ay aaminsan yihiin Culimada Cilmi Nafsigu in dhaqanka aan loo dhalan ee uu yahay shay la baran karo lana beddeli karo. Waxa ay leeyihiin, “Dhaqanku isaga ayaa ka muhiimsan qaanuunka, dhaqanku waa waxa inaga cadhaysiiya ama ina qaboojiya, dhaqanka ayaa khiyaamada ama daacadnimada keena, dhaqanka ayaa karaamada ama sharaf dhaca keena, dhaqanka ayaa naxariista ama axmaqnimada keena.

Dhaqanka suubani lama socdo qaninimada iyo quruxda. Dhaqanka suuban waa la bartaa lana baraa. In aad aragto qof leh waji quruxsan macnaheedu ma aha in uu sidoo kalana maskax iyo akhlaaqsan yahay. Uma jeedo dadka ladan ama adduunka haystaa waxa ay bixiyaan Liisan edeb darrada. Waxa aan u gol leeyahay waa in dhaqanka suubani uu yahay shay lagu tababarto oo guriga lagala yimaado, waa shay laga barto waalidka aan ku daro in dugsiyada waxbarashada aasaasiga ahi ay yihiin baraha labaad ee dhaqanksan. Nasiibdarradu waxa ay imanaysaa haddii waalidku aanu lahayn dhaqan togan ama akhlaaq suuban ma awoodi karo in uu ilmihiisa baro dhaqan suuban waxa taa dheer in aanu xitaa ogaan karin in akhlaaqda ilmihiisa si wanaagsan loogu dhiso dugsiga. Waalidku waa in uu ku dadaalaa in uu ogaado akhlaaqda macalinka waxbara ilmihiisa oo uu codsandaa in manhajka dugsiga lagu daro maaddooyiin ku aadan akhlaaqda. Waxa intaas oo dhan ka mudan in ilmaha lagu ababiyo Qur’aanka kariimka ah iyo Sunaha Nabi Muxammed Calayhi salaam. Labadaas ceel ayaa ah labada sida ugu habboon u cokanaysiin kara qofkasta oo dhaqankiisa dhisaya ama la dhisayo. Waxa aana lagaga maarmaya in lagu mashquulo akhriska buugta ay qoraan kuwa sheegta ilbaxnida iyo aqoonta casriga ah. haddaba akhriste haddii aad diyaar u tahay in aad saxdo dhaqannadaad u diyaar garow qoraalkan taxanaha, kuna dadaal in aad fuliso qodobada uu dhigayo.

Adigu isa sax inta aanad dadka sixin.

  • Daryeel Nadaafadda Jidhkaaga kana ilaali wax kasta oo wax yeeli kara. Ilaahay waxa uu inoo abuuray sidii ugu farshaxan sanayd ee loo abuuro makhluuq. Sida awgeed adiga waxa lagaa raba kaliya in aad dhowrto daryeeshana, Dhowr qaabka rabbi kuu abuuray oo ha beddelin. Ilaalina isu dheeli tirnaantiisa.

  •  Caafimaadku waa hadyad rabbi bixiyo oo qaali ah sidaa awgeed ogow in jidhkaagu xaq kugu leeyahay, Ha ku xad gudbin naftaada iyo jidhkaaga midna. U golow nasashada bukaankana ka dawee.

  •  Ka Taxadir sida aad u xiiranayso kana dheerow in aad jidhkaaga ku xaradho qoraallo ama sawirro (Tunto). Ogow in xitaa  Maraykanka iyo Yurub dadka sidan u tunta looga yaqaanno Ciyaala Suuq iyo dad liita.

  •  Soonku waa habka ugu wanaagsan ee jidhka lagu nadiifin karo, calooshana lagu nasin karo sidaa awgeed caadayso in aad bil kasta ka soonta ayaamo.

  •  Nadaafad darradu waa furaha Caafimaad darrada sidaa awgeed ku dadaal Nadaafadda.

  •  Indhuhu waxa ay ka mid yihiin hibooyinka cajiibka ah ee Allaah ina siiyay waana xubin aad u nugul oo xassaasi ah, mar walba waxa waxa ay halis u yihiin dhaawac iyo bukaan sidaa awgeed, Maalin kasta dhowr jeer ku maydh biyo qaboow.

  •  Dhaska iyo dhididkuba halis ayaa ay ku yihiin jidhka gaar ahaanna xubnaha aanay dharku daboolin sida, Gacmaha iyo wajiga, sidaa awgeed maalintii dhowr jeer maydh. Ogow oo waysadu waa habka ugu habboon ee aad ku nadiifin karto.

  •  Sida ay caddeeyeen dhakhaatiirtu,  xanuunno badan oo caloosha ku dhaca waxa sababa Nadaafad darrada ilkaha. Cadayga la ogow ilkahaaga kuna dadaal in aad ka saarto wixii cunto hadhaa ah ee dhexdooda gasha (Findhicil).

  • Ku dadaal in aad xiirto timaha ka soo baxa meelaha qarsoon ee jidhkaaga sida, Kilin killooyinka iwm. Iska jir in ay kugu dhaafaan Afartan maalmood.

La Soco..

 
< Prev   Next >
Search

Maqaalo/Opinion

DALJIRE: Oob jac.. Dib u Jeeeeeso

Indhahaagu sow ma ilmaynayaan (maanso)

 
 
Codeyn
Maxaad Ka Xiiseysaa Webka?
 
Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka?
 
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info