|
Diyaariye: Kamaal Axmed Cali ¨ Xanuun kastaa dawo ayaa uu leeyahay, ka hortagga ayaana ka fiican daawaynta. Isku day hab kasta oo aad kaga hortagi karto in xanuun, Allaah kuuma qadaro ee haddii ay dhacdo in aad bukootana ogow in ay waajib tahay in aad is dawaysaa. ¨ Haddii aad leedahay Dhabar ama Qoor Xanuun ama aad jeceshahay in aad ka hortagto in ay kugu dhacaan, Ku seexo furaash adag kana dheeroow sariirta isbiriinka ah. Haddii da’daadu ay gaadhay Afartan Jir waaba kugu waajib in aad sidan yeeshaa. ¨ Habeenkii goor hore seexo si aad subaxii goor hore u toosto. Salaadda subax kac, qadada ka dibna yara seexo laakiin ka dheeroow Hurdada dheer ee galabnimo. ¨ Marka aad seexanayso ka ha iska fogayn ilayska degdegga aha sida, Tooshka. ¨ Si fiican u maydh gacmahaaga hurdada ka hor iyo ka dibba. Waxa dhici karta in gacmahaagu ay leeyihiin wasakh adna ma ogid habeenki in ay meel xassaasi ah sida indhaha taabteen sidoo kale marka aad toosto ma ogid meel ay gacmahaagu taabteen intii aad huruday sida awgeed waa halis in afka ama indhaha ay taabtaan. ¨ U seexo dhanka midig. Waxa la ogaaday in dad badan oo wadnuhu istaagay iyaga oo hurda ay u jiifeen dhanka bidix. Waynu ognahay in wadnuhu ku yaallo Maxaa aad odhan lahayd, Haddii qof ay haysatay dhibaato badani oo aad caawisay, halkii uu kaaga mahad naqi lahaa uu adiga kugu mucaarad (Mudduci) noqdo? Ama ugu yaraan uu illaabo sammaantii aad u fashay. Mar labaad ma caawin lahayd? Jawaabtaadu dabcan waa MAYA. Waxa aad jeclaan lahayd in aad waxtarto qof yaqaan mahadnaqa ama ugu yaraan xasuusta wanaagga loo galo. Haddaba adiga qudhaadu ha ilaabin ciddii wanaag kuu gasha mar walbana xasuusnoow in ay yihiin saaxiibadaada runta ah. ¨ Ma u malaynaysaa Saaxiib aad marar badan illowday ama aad ka jawaabi wayday dalabkiisa, in uu isagu kaa aqbali doono dalab. Waxa ay ila tahay in aad ku jawaabtay Maya. Haddaba adigu noqo mid mar warlba saaxiibkii kaga horreeya wanaaga. ¨ Baryo badan aadmuhu waa ay isku nacaan, laakiin lasoco Ilaahay oo aad baridaa in ay tahay cibaado tahay. Markaa Allaah baryadiisa ku kaaftoon. Haddii ay ka fursan waydo qofka aad wax waydiinaysaa ha noqdo mid aad ku kalsoon tahay. ¨ Haddii cid aad ballan la leedahay u diyaar garow, ilaali labiskaaga iyo nadaafadda, dhowr anshaxa iyo Edaabta inta aad la joogto. ¨ Si kasta oo noloshu ay kuugu adkaato ama aad ula kulanto wax aad qoomamayso, ha ku ducaysan dhimasho. Ogow in noloshu ay tahay hadyadda ugu wayn ee rabbi ku siiyay. ¨ Ma jiro qof aan khaldamin. Noqo mid markaba ka toobad keena gefkiisa. Ilaahay mar walba dambi dhaaf waydiiso.ka dheeroow niyad jabka. ¨ Ka dheerow Isku-buuqa, Niyad-jabka, Murugada iyo Caajiska wax ma kordhiyaan ee waxa ay dabraan wax-qabadka. ¨ Calool-xumada, darxumada, sharaf dhaca, Caajiska, Cabsida, Tamar-darrada, Hunguri waynida, Bakhaylnimda, Cadawnimada iyo Dulmiga intuba waa Shar ee Ilaahay ka magan gal, mar walbana ka bari in uu kaa badbaadiyo. ¨ Xasuusnoow in Ilaahay uu kaa jecel yahay Hooyadii ku dihatay, haddii aad dareento cidlo, in lagu nacay, war-war ama in noloshu aanay macne togan kuu lahayn ogow in aad dambaabtay. Rabbi u noqo. ¨ Dambiga aad gasho ha ka warwarin inta uu le’eg yahay waayo marnaba kama wayna naxariista Rabbi sidaa awgeed Isaga u toobadkeen go’aansana in aanad ku noqon. ¨ U iibso wax in aad u baahantahay, ha u iibsan cid inaad ugu faanto ama aad u muujiso in aad ka sarayso. ¨ Ogow su’aalaha u horeeya ee maalinta Qiyaamaha qofka la waydiinayo, waxa ka mid ah; halka aad ka keentay maalka iyo halka aadku bixisay. ¨ Qani ama Faqiir ahow, Nadaafadda iyo nidaamku waa waajib. “Arrad waa dan Uskagna waa Doqoniimo” ¨ Ka dheeroow gacan adayga ogow, waxa aad sadaqaysato ayuunbaa kuu ah Raasamaal Dhab ah. ¨ Xasuusnoow in sadaqaddu ay ka bilaabanto guriga. (Qoyska iyo Ehelka). ¨ Qorshahaiyo nidaamka fiicani waa Furaha guusha, ku dadaal in aad mar walba gurigaaga u samayso qorshe Miisaaniyadeed. ¨ Caruurtaada u kala sooc jiifka. Dhaqanka suubani waa in innamada iyo habluhu ay noqdaan kala qol ama ugu yaraan kala furaash. ¨ Culimada Caafimaadku waa ay kadigaan ku neefsiga goobaha wasakhda ah, sidaa darteed ma fiicna in Qolka hurdada lagu dhajiyo ama laga dhex dhiso Suuli. Waxa sii halis ah haddii Urta ama xasharaadka suuligu ay iman karaan Qolka hurdada. ¨ Waxa waajib kugu ah in aad caruurtaada iyo Carruurta aad ka masuulka tahay wax-barto khaladkana ka saxdo. Laakiin ma hubtaa in aad taqaanno oo aad hubto waxa aad u sheegayso, goorta ugu habboon ee ay tahay in aad u sheegto iyo sida aad ugu sheegaysaba. Intaas oo dhan waxa ka horeeya in aad adigu isa saxdo inta aanad iyaga saxin. ¨ Ha dhayalsan in aad wax barto hablahaaga ama kuwa aad walaalaha tihiin. Ogow in ku ay hablahan dhalaan ay yihiin kuwa leh mustaqbalka. ¨ Haddii aad rabto in Ehelkaaga iyo Ubadkaagu ay daacad kuu noqdaan adigu kaga horree. ¨ Marka aad hadyad siinayso Ubadkaaga, ha u kala horreysiin ama mudnaysiin Dhedig iyo Lab. U kala horraysii sida ay u kala wayn yihiin. ¨ Korinta iyo barbaarinta hablaha ha dhayalsan. Sida Nabigeeni Muxammed laga soo weriyo, Qofka koriya, Edbiya, Jeclaadana laba hablood waxa uu galayaa Jannada. Haddii ay ka bataanna ajar ayaa ay la badanayaan. ¨ Inantaada ama ta aad ka masuulka tahay marka ay gaadho da’da guurka, bar in aanay wax ku saabsan nolosha kaala khajilin, ka caawi xulista Ninka ay guursanayso. Ha ku dirqiyin ku aanay rabin, kalana feejignoow ka hororka iyo Ninka xun. ¨ Carruurtaada bar sida loo qaddariyo loona xushmeeyo dadka kale. Iyaga oo kula jooga cid aad u cadhaysantahay ha caayin hana xaqirin. ¨ Aqoon aan wadan Edeb, Xushmayn, Dhaqan wacan, iyo Niyad wanaagsani waxba ma tarto. Nasiib darro inta badan Dugsiyada laguma dhigo sidaa awgeed adigu guriga ku bar dhaqanka wanaagsan gaar ahaan inta aanay gaadhin da’da waxbarashada. La soco |