Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Haloo gurmado badbaadinta kulmiya Print
Wednesday, 23 May 2007

Xisbiga kulmiye waxa dhaqan u ah inuu qofkastaa cabiri karo fikirkiisa iyo arraadiisa si aw hore ugu mariyo geedi socodka siyaasadeed ee xisbiga asagoo ka ilaalinaya shaqsi weerar iyo qof nebcaysi.Waxa maalmahan danbe soo baxaya  maqaalo jawaabo ah oo xabaarsan shaqsi weerar taasoo ka baxsan aadna uga fog dhaqankii xalaasha ahaa ee kulmiye kusoo caano maalay si loo dhaxalsiiyo ummada  kobcinta qiyamka iyo garaadka siyaasiga  ay u baahan tahay.

Xisbiga kulmiye waxa dhaqan u ah inuu qofkastaa cabiri karo fikirkiisa iyo arraadiisa si aw hore ugu mariyo geedi socodka siyaasadeed ee xisbiga asagoo ka ilaalinaya shaqsi weerar iyo qof nebcaysi.Waxa maalmahan danbe soo baxaya maqaalo jawaabo ah oo xabaarsan shaqsi weerar taasoo ka baxsan aadna uga fog dhaqankii xalaasha ahaa ee kulmiye kusoo caano maalay si loo dhaxalsiiyo ummada  kobcinta qiyamka iyo garaadka siyaasiga  ay u baahan tahay.

Waxan aad uga xumahay maqaalkii warbaahinta kusoo baxay ee  cinwaankiisu ahaa HADII  MANSAB JACAYL KA SAARAY MOHAMED AAR KULMIYE DALKIISA IYO DADKIISANA WUU KA SAARI EE HA LA OGAADO. Marka hore taasi waa weerar shaqsi ah oo ka baxsan akhlaaqdii kumiye lagu yiqiin. Mohamed Aar kulmiye kama bixin ee xil aw xibiga u hayay ayuu iska casilay, taasina in jawaab laga bixiyo uma baahna.

Haddii aan dib u eegno maqaalkii is casilaada ee Mohamed Aar wuxuu nuxurkiisu
xabaarsanaa marxalada manta xibaga kulmiye ku sugan yahay iyo mashkiladaha
xasaasiga ah ee ka dhix abuuran xisbiga gudihiisa kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah intaanay sii fidin.

Xisbiga kulmiye xubnihiisa ugu firfircoon waxay kasoo jeedaan halgamayaashii ururka SNM iyo halyayadii ka dhiidhiyay gumaadkii iyo xasuuqii aan kala reebka lahayn ee loo gaysanayay shacbiga ku dhaqan Somaliland.

Qofkasta waxa lagu abaalmariyaa wixii wanaagsan ee taariikhda u gala.Mohamed Aar waa halyay ku abtirsada bahweyntii halganka ,waxanu leeyahay taariikh qaali ah oon la sifayn Karin.Mohamed Aar waxa uu qoriga qaatay asaga oo arday yar ah da’diisu yatathey, wuxuu gadhwadeen u ahaa 50 arday ee AHMED MIRE gacanta ku hayay ee sida gaarka ah loogu tababaray ( special force) BAABULI November 1983 ilaa May 1984 .Ahmed Mire wuu xasuusan karaa qiimihi iyo qaayihii uu ardardaa kusoo xushay.Waxa manta 50 kii arday ka nool 7  uu kujior Mohamed Aar intii kale ( nabad galyo ioy naxariista EEBE korkooga ha ahaato iyaga iyo shuhadadii kale).waa xasuus aad u adag dareen culusna leh oo mahadho ah, waa ta maanta midhaheedii dhmaan bulsha weynta somililand hadhsanayso.

Maan jeclayn inaan manta xasuustaa ka hadlo ee waxa igu kalifay marxalada kulmiye marayo oo ah mid cabsi leh. Khilaafii qaaxo wuxuu sobobay dagaalkii sokeeye ee fosha xumaa khilaafkan cusub ee kulmiye wuxu sobobi karaa dhibaato culus oo xisbiga u horseedi karta is nac iyo kal fogaansho (ILLAAHAY kama dhigo) haddii aan lag hortagin oon laga tashan xalkeeda gudo iyo debadba. Waxa loo baahan yahay wada tashi, is qancin iyo isu tanaasul ( open and honest) si loo gaadho himilada xisbigu higsanaayo oo ah horumarka shacbiga iyo u bislaanshaha geedi socodka dimuqraadiya ee qaaliga ingu ah.
Somalidu waxay ku maahmaahda Fiintu roobka gu’ga di’ doona ayay jiilaalkii kasii
oydaa, waxan uga goleeyaha waxa inagu soo food leh shirweynihii ( congress) kulmiye oo dhawaan lagu qaban doonu Hargeysa.waxa durtaba soo ifbaxaaya
xamaasdii, xasaasiyadii iyo xinif kii qabiil oo xisbigu gudahiisa isku garbinaayo taasoo hadhaysay magaalooyinka waaweyn iyo dhamaan xubnaha kulmiye heer gobol iyo heer guudba gaar ahaan golaha dhexe,gudiga fulinta, gudiga qabanqaabada shirka iyo hogaanka sare ee xisbiga.

Komishanka doorashada: waxa haboonayd in xisbigu laba sano ka hor ka tashado si aw u abuuro mooshin baarlamaan, ummadana u muujiyo cadaalad darada iyo isku deli tir xubnaha komishanka laakiin taasi way seegtay. Xili laga tashady oo xeedhiyo fandhaal kala dhaceen ayuu xibiga baraarugay, arrintaasu waxay xisbiga dhaxalsiisay inuu markii hore go’aansado in aanu xubin wax ku darsan magacaabida xubnaha ilaa golaha wakiiladu wax ka qabanayoo isu deeliter la’aanta xubnaha xisbiyada. Wuxuyse  xisbigu ku qancay inuu xubintiisa  magacaabo islamakaana aw ku magacaabo si deg deg ah oon laga fiirsan, layslana sugin lagana baaraandagin
taasoo ka dhawaajisay xiisad qabyaaldeed ooy ku kala xantanayaan xubnihii xisbiga ugu firfircoonaa waxa soo ifbaxaya in hogaanka sare ee xisbigu lagalay heshiis beel beelaha somaliland ka mid ah hadan si aan la filayn afduub u dhacay walina cabashadeed taagantay. Anigoo aan jeclayn inaan arrintaas ku sii
dheeraado waxan ka digayaa cawaaqib xumada kasoo socota. arrintaasi waxay u
baahan tahay gurmad degdeg ah iyo xal dhaqso ah.

  Waxan aad ugu kalsoonaha in xubnaha xisbiga kulmiye iyo taageero yaashiisuba isla gaadhi doonaan go’aamo ay kaga tashadaan siday iskaga guri lahaayeen qucundhooyinka iyo qodxaha hortooda daadsan kuna dhiiran lahaayeen in xisbiga lagu soo dabaalo ujeedooyinkii loo aasaasay oo ay ugu horayso danta guud ee ummadu.

                      ALLAA MAHADLEH
 
Abdilrahman  Mohamed

 
< Prev   Next >
Search
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info