|
Waxa hubanti sugan ah in umadda Somaliland tahay dad wada dhashay oo walaalo ah oo wajibaadka iyo xuquuqda dalkoodaba si siman u wada leh oo aan abtirsiin qabiil iyo tusmo gobol toona ku kala sarayn. Markay arrintu sidaas tahay, waxa xaaraan inaga wada ah in qof muwaadin ahi uu muwaadin kale oo la siman uu is bido inuu xuquuq gaar ah dheeryahay. Waxa hubaal ah inay jiraan dad cunsuriyadii dhaadashada qabiil weli dabada sii haya oo inay abtirsiin dhalasho qaykrood kaga xuquq badan yihiin ku hadaaqaya. Waxa aynu wada ognahay in rag siyaasiyiinta magaca leh ee dalka qaarkood ay dhaadashada noocaas ah si qaawan oo aan qarsoodi lahayn ugu adeegsadaan ololaha tartankooda. Waxay raggaasi si is daba joog ah umadda ula dhex qaadaan beer laxawsi qabiil oo ay kaga dhaadhincinayaan inay faro badnaan qabiil darteed Daahir Rayaale ugaga xaq leeyihiin kursiga madaxnimada dalka. Arrintaasi waa jariimad fool xun oo xeerka sharciga, anshaxa dhaqanka iyo asluubta dimuqraadiyadeedba ka baxsan oo cudur iyo fidmo colaadeed oo midnimada umaddu ku burburto horseedi karta, waana halkii ninkii gabyay ka yidhi Anaa mudan anaa midho ku dheer lay hor marin maayo, waa waxa manaayuhu ka dhacay maalintii hore. Ninka xukunka muwaadinka dhigiisa ah diida isna xukunkiisa waa la diidi doonaa oo qayrkiina isaga talladiisa aqbali maayo. Sidaas daraadeed, waxa hubaal ah inaan waxba laga dheefayn oo aanay cidna dani ugu jirin, waxaana dadkaas sidaas caadaystay waajib ku ah inay ka waantoobaan oo ay tartanka damacooda u maraan wadada xalaasha ah ee sinaanta iyo cadaaladda ku salaysan. Waxa iyana arrin kale oo xus mudan ah in soddonkii sannadood ee burburkii ka horeeyay ay Somaliland ka mid ahayd Midowgii Somaliya oo dadka awaaweyn ee reer Somaliland intooda badani ay shaqaale iyo ciidamaba ka soo wada ahaan jireen dawladii Somaliya. Sida la wada ogyahay. ,madaxda kala duwan ee maamulka iyo ciidamada iyo siyaasiyiinta xisbiyada Somaliland oo dhami waxay wada ahaan jireen rag darajooyin sare ka soo wada hayn jiray taliskii Siyaad Barre oo shaqaale ka soo wada ahaan jiray. Iyada oo xaalku sidaas yahay waxa haddana aad u layaab badan in rag ka mid ahaan jiray saraakiishii iyo shaqaalihii taliskii Siyaad Barre ay haddana qayrkood ku caayaan kuna ceebeeyaan inay shaqaale u soo ahaan jireen taliskii faqash ee ay iyaguba u soo shaqayn jireen. Sheekada caynkaas ahi waa mid aad u rakhiis ah oo lagu qoslo, waxaanay ka dhigantahay maahmaahda tidhaahda Biddo intaanad bido odhan ayay biddo ku tidhaahdaa. Arrinkta saddexaad ee sharciga diinta iyo anshaxa dhaqankaba gefka iyo dambiga weynba ku ihi waxa weeye cayda iyo wax ka sheega cirdiga haweenka. Arrintaasi waa shayga ugu xaasaasada iyo xanaaqa kulul ee khilaafka iyo colaada ugu ficilka iyo naxligaba badan bulshada Somalida ka dhex aloosta, waana halka laagaga maahmaaho col naago ka kacay ma qaboobo. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta dalka ayaa beryahan dambe caadaystay oo si qaawan ugu halaanhala aflagaadada iyo ceebaynta marwooyinka soddohaha ah iyo hablaha caarka ah ee sharafta iyo qadarintaba ka mudan. Waxa hubaal ah in aan nina ogolayn in caarkiisa la ceebeeyo ama sharafta cirdigooda lagu xad gudbo. Somalidu waxay tidhaahdaa rag waa ayo iyo waa adoo kale, sidaas daraadeed xumaanta aanad ina ragoow naftaada iyo caarkaaga toona la ogolayn qayrkaana ma ogola ee ha ku samayn. Damaca kursiga madaxtinimada iyo in lagu tartamaaba waa arrin mashruuc ah oo uu qof kasta oo mudaawdin ahiba xaq u leeyahay oo ninkii gabyay wuxuu yidhi ‘Madaxnimo in laysku xagliyaa xubin gobeed weeye.’ Hase yeeshe qaabka tartanka madaxtinimadu maaha mid dulmi iyo ku xad gudubka qayrkaa loo maro si jaantaa rogan dhiriqda ceebta loogu biyo badalaqsado. Waxaanu tartankaasi leeyahay qawaaciido ku salaysan anshaxa gobeed iyo milgo xarago oo aftida shicibka lagu kala jiito oo asluubta ugu quruxda badan dhinac walba loogu adeegsado. Madaxtinimada Illaahay ayaa bixiya, kolba ninkii uu Rabbi u qadaro ayaana kursigaas ku fadhiisanaya oo waa nin iyo calafkii ee ma aha arrin dhaadasho qabiil, abtirsiimo dhalasho iyo awood aadame lagu kasban karo. Sidaas daradeed waxay Somalidu tidhaahdaa af xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, waxa aan ragga madaxtinimada u tartamaya kula talinayaa inay ka waantoobaan wixii sumcadda magacooduna ku dhimanayo ee midnimada burburinaysa. Maxamed Cali Saxardiid |