Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Somaliland Inaga Soomalisan Print
Wednesday, 06 June 2007

Dadweynaha reer Somaliland waxay walaalohood ula tageen calankii ay inoo ka soo dhiciyeen gumaystaha oo ay ku dheehan tahay walaalnimo, kalgacayl iyo kalsooni. Waxay dhulka ku mudeen tiirkii ugu horreeyay ee Soomaali xor ah oo midaysan. Taas oo ah tillaabo taariikhi ah oo jiilasha Soomaaliyeed ku qadarin doonaan walaalohood. Ma aysan dalban xoolo, madaxnimo iyo dano kale oo gaar ah toonna. Wax kasta waxaa kala weynaa in ay ishoodu ku qabawsato Soomaali weyn oo midnimo iyo madaxbannaani ku raaxaysanaysa. Reer koonfur walaalohood say ugu liseen uguma hambayn oo waxay isku darsadeen: caasimaddii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo R/baarlamaankii. Madaxdii iyo bulshadii reer Soomaaliland kama ficil qaadan sad bursiga walaalohood kula keceen, mana aha in ay garan waayeen qaybtan qalloocan ee danta guud ayay ka hormariyeen tan gaarka ah, sandareertadaana wax ka weyn (midnimo iyo walaalnimo) ayay doonayeen wayna heleen.

Dulmigii inta badan kursiga la isugu adeegsaday intii dalku xorta ahaa ee lagula kacay bulshada Soomaaliyeed wuxuu keenay in ugu dambayntii dadku dalbadaan in si cadaalad ah loo qaybsado talada iyo maamulka dalka oo aan ninna xaqiisa qalin lagu duudsiin. Dadweynihii Soomaaliyeed ee dalbaday in ay helaan xaqooda looma garaabin ee waxaa lagula kacay cadaadis iyo cabburin. Intaa ka dib qaar ka mid ah qabaa’ilka waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa midba mar isu taagay sidii uu xukunka uga tuuri lahaa xukuumaddii xilligaas dhisnayd. Waxaa si is daba joog ah loo aasaasay ururadii SSDF, SNM, SPM, iyo USC . Markii ay dhacday xukuumaddii Max’ed Siyaad Barre oo loo haystay in uu ahaa ninka kaliya ee dadweynaha Soomaaliyeed dulmiga ku haya, bulshaduna u diyaargarawday marxalad cusub oo talada iyo maamulka la soo dhex dhigi doono dadweynaha, cid walbana ay xaqeeda si sahlan ku heli doonto ayaa Mudane Cali Mahdi Max’ed iyo kooxdiisii Maanafaysto waxay ku dhawaaqeen maamul aanay talo ka weydiin bulshaweyntii Soomaaliyeed ee dulmanayd. Maamulkaas mashaakilkii jirayna ma xallin kuwa cusubna wuu keenay, arrintiisuna waxay noqotay: (kud ka guur oo qanje u guur. Waxaa muuqatay in aysan reer koonfur garwaaqsanayn ilaa arrinta lagu celiyo halkii ay joogtay 01/07/1960kii ka hor; sidaa darteed ururkii SNM wuxuu qabtay shirweyne lagaga dhawaaqay dawlad madax banaan 18/05/1991kii.

Reer Soomaaliland miyay diidan yihiin midnimada Soomaaliyeed?

Xilligaas ka dib siyaasiyiinta reer koonfureed waxay caado ka dhigteen in ay xukuumado ku sheegyo ay dhisteen ku daraan xubno u dhashay beelaha dega Somaliland ama ay ugu baaqaan reer Somaliland in ay ka soo qeybgalaan shirweyneyaal dib u heshiisiin iyagoon talada dhulka soo dhigin ee ay  iyaga guntiga ugu jirto. Waxay hal hays ka dhigteen Soomaali waa mid iyagoo ficil ahaan u hortaagan say mid ku noqon lahayd. Mar walba waxay eedda dusha uga tuurayeen reer Somaliland. Hadaba aynu is weydiinee miyuu ururkii SNM ku dhawaaqay gooni isu taag intii uu dagaalamayey?, xukuumaddii Max’ed Siyaad markii ay burburtayse miyuu horay kaga dhawaaqay goosasho?, mise waxaa tillaabadaan la qaaday markii Maanafaysto ummaddii mar kale af duubtay?, kuwii ka dambeeyay ee maamulada dhistayse ma ka garaabeen khaladaadkii ay ku keceen maanafaysto mise wadadoodii ayay mareen?. Tan kale haddii aad walaalkaa ka sad bursatid oo uu cadaalad dalabado ma midnimo iyo walaalnimo diidbaa?, dulmigaas raadka ka dhashase ma isagaa ku eedaysan mise adiga xaqiisa duudsiyey?. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer Somaliland way ka wada dharagsan yihiin ahmiyadda ay midnimadu inoo wada leedahay iyo in la marayo casri ay dunida ku tartamayaan isbahaysiyo waaweyn oo aysan shucuubta taagta darani sii jiri karin ayna u noqonayaan cadawgooda luqmad sahlan. (Si arrintaa aad loogu fahmo waxaan ku talin lahaa in akhristayaashu si wacan u dhagaystaan muxaadaro cinwaankeedu yahay: Taariikhda waxaa ku jira duruus iyo cibrooyin oo uu jeediyay Sh. Musdafa X. Ismaaciil)., waxaase loo baahan yahay in aan midnimada laga dhigan wado lagu gaaro dano gaar ah.

Goorma ayaa la ogaan karaa mawqifka dhabta ah ee reer Somaliland?

Waxay ila tahay in la qaado tillaabooyinkaan si aynu u ogaano xaqiiqda:

1.    Dadweynaha reer Somaliland halgan dheer ka dib waxay dhaliyeen xorriyad,   waxayna taageen calankii ugu horreeyay ee Soomaali yeelato gumaysigii ka dib, waxayna mideeyeen Soomaali xor ah. Si mar kale Soomaali loo mideeyo waa in reer koonfur keenaan dal xor ah oo ka madax banaan gumaysi.

2.    Reer Somaliland waxay walaalohood ugu tageen Muqdisho iyaga oo socda, waxayna u bandhigeen midnimo aan wax shuruud ah ku xirnayn. Hadaba reer koonfur si ay u sugaan in ay midnimadu iyaga daacad ka tahay ha tageen Hargeysa iyaga oo wada midnimo aan shuruud ku xirnayn.

3.    Reer koonfur waxay isku darsadeen caasimadii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo R/baarlamaankii. Reer Somaliland iyaga oo xorriyadda kaga horreeyay koonfur, isla markaana aanay cidina dheerayn aqoon, khibrad maamul, karti iyo daacadnimo midna ayay ugu dulqaateen walaalohood sad bursigaas muuqda iyaga oo eegaya qiimaha midnimada iyo danta guud ee ummadda. Hadaba aynu walaaleheen reer Somaliland isugu darno jagooyinkaas dhammaan oo haday wada qaataan aynu ugu dulqaadano, haddii ay qaar inoo daayaanna aynu uga mahad celino.

Waxaan qabaa in reer Somaliland ilaa iyo hadda ina kaga horreeyaan Soomaalinimada. Haddii aynu tillaabooyinkaan qaadno ayaynu walaaleheen reer Somaliland kula tartami karnaa Soomaalinimada iyada oo waliba ninka wanaagga bilaaba uu ka mudan yahay mar walba kan kaga dayda.

Ninka midnimadu la weyntahay ee daacadda ka ah waa in uu u huro wax weyn, uuna uga tanaasulo darteed mawaaqif iyo masaalix uu leeyahay. Ninkii doonaya in uu midnimada ummadda ku xiro jagooyin uu helo iyo masaalix gaar ahna ma mudna in uu cid kale ku eedeeyo in ay danihiisa kala shaqayn weyday.

Ugu dambayntii waxaan u soo jeedinayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed in arrimahaan si deggan oo xikmadi ku dheehantahay loo darso iyada oo mar walba isha lagu hayo danta guud ee muslimiinta gaar ahaan Soomaalida. Waxaan ka digayaa in dooda iyo ra’yi is weydaarsigu noqdaan muran iyo kala fogayn. Tan kale waxaan u baahanahay in juhdiga iyo miskaxda aynu  galinayno arrintaan aan ka helno ajar isla markaana aynu ku xaqiijino wax ummaddeenna adduun iyo aakhiroba wax tara.

Axmed C/samad

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >
Search
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info