Home
Sawiro
Wararka Kaydka
VIDEO
Somaliland Links
Aftahan
Awdal News
Caynabo
Batalaale
Call Somaliland
Farshaxan
Gabiley Hospital
Golis News
Halganews
Hadhwanaagnews
Hoyga-Suugaanta
Hargeysa News
Haatuf
Jamhuuriya
Hormoodnews
Maandeeq News
Ogaal
Qarannews
Redsea Online
Somaliland Forum
Somalilandnet
Somaliland.org
Somaliland Center
Somaliland Future
Sooyaal
SDWO
Saaxil
Togdheer
Togdheer Sports
Sanaag
Somalilandtalk
Somaliland Education
Mamalink.org
Somalilandnation
Longlivesomaliland
Somalia Links
Aayaha.com
Amin Caamir Arts
alldalka
Afrikadabari
Arlaadinet
Balcad
Buluugleey
ba'idoa
Banadir
Buurhakaba
Cadaado
Ceelbuurnet
Dayniile
Deeyoo
Dhahar
Gedonet
Geeska Afrika
Goobjoog
Himilo
Hiiraan
Hornafrika
Janaale
Midnimo
Mudug online
Onkod
Puntlandpost
Qaranimo
Qorahay
Radiofree Somalia
Ruunkinet
Somalitalk
Somaliweyn
Somalilife
Somaliawatch
Somali Uk
Somaali
Somalimarket
Somaalijecel
Somalia Online
Shabelle
STNTV
Ufufow
Wardheernews
Login Form





Lost Password?
No account yet? Register
Advertisement
Masuuliyiinta xidhan oo Madaxweynuhu in badan ballanqaaday in uu soo dayn doono anigu waxaan qabaa in waxa ku xigaa uu yahay Cabdicasiis Samaale Print
Tuesday, 11 December 2007

“Masuuliyiinta xidhan oo Madaxweynuhu in badan ballanqaaday in uu soo dayn doono anigu waxaan qabaa in waxa ku xigaa uu yahay in la dili doono, waayo mar haddii in la xidhaa dambi noqon wayday oo ay dambiilayaal noqdeen, Maxamed Cabdi Gaboose ururkiisii la odhan jiray SAHAN markii uu hadhay isaga iyo saraakiishii u sarsaraysayba waxay ku biireen UDUB, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo aasaasayaashii SNM ahaa waxa uu mid noqday taageerayaashii u horreeyey ee UDUB, labaduba maanta halkay joogaan? Jeelka Madheera ayey ku jiraan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlayey xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey maalinta xuquuqda aadamiga adduunka oo ku beegnayd shalay, 10 December 2007, oo xalay lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
 
 Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen hoggaankii hore ee dalladda SHURO-NET ee xilka lagaga qaaday sifo aan sharci ahayn oo xukuumaddu dabada ka waday, ayaa waxa ka qaybgalay boqollaal qof oo isugu jiray masuuliyiinta Shirguddoonka Wakiillada, xildhibaanno, siyaasiyiin ka socday xisbiyada mucaaradka, madaxda ururrada saxaafadda Somaliland, dhallinyarada, haweenka, ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha xuuqal-insaanka iyo marti-sharaf kale.
 
 Waxa xafladdaas khudbado ka jeediyey masuuliyiin tiro badan, kuwaas oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ahmiyadda maalinta xuquuqda aadamiga, xaaladda xuquuqal-insaanka Somaliland iyo xadgudubyada ay xukuumaddu ku tallaabsatay lidka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland, arrimahaas oo si ballaadhan loogu cambaareeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
 
 Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland qabsatay wax badan oo wanaagsan, taas oo caalamku ku ammaanay sida doorashooyinka iyo nidaamka axsaabta badan. Haseyeeshee, waxa uu xusay in mararka qaarkood dadku wax wanaagsan oo ay qabsadeen ay si fudud isaga dumiyaan, iyadoo dunida ilaa maalintii Ilaahay abuuray uu jiro loollan u dhexeeya xaqa iyo baadilka, iyada oo dadka baadilka wadaa had iyo jeer badan yihiin, balse kuwa xaqa ku taagani hadda ku adkaysataan mar walba ay iyagu guulaysanayaan.
 
 Waxaannu Guddoomiyuhu si qoto-dheer uga warramay taariikha ummadihii hore iyo waxyaabihii lagu hallaagay oo caddaalad-darradu kow ka tahay, kuwaas oo uu xusay in Ilaahay doonayo in aynu wax ku qaadano, isaga oo qaatay sababihii burburiyey dawladdii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, waxaannu isaga oo arrintaa faahfaahinayey yidhi; “Kacaankii 21 October waad ogaydeen inta ammaan loo qaaday iyo sidii ummaddii Soomaaliyeed ee xiligaasi u soo dhaweysay, sababtii loo soo dhaweeyeyna dulmigii xilligaa jiray ayuu ahaa, laakiin muddo gaaban dabadeed kacaankii la soo dhawaynayey waxa uu qaaday tubtii (jidkii) ay qaadeen kacaamo kale oo ka horreyey iyo wixii lagaga cabnayey ka wax ka sii xun oo ka dulmi badan, waxa uu bilaabay inuu xasuuqo dadka iyo inuu xidh xidho. Xilliyadaa dadku waxay uga hadlayeen siyaabo kala duwan sida abwaannada oo aad uga hadli jiray, laakiin uu yaraa sida loo fahmo waxay u jeedaan, tusaale ahaan ‘Tawradu waa dhab, dhab,’ taas oo macnaheeda markii dambe la fahmay inay tahay qab qabasho. Ummaddaha waxa looga baahan yahay si aan wixii ay dhisteen u dumin oo halkaa ay joogaan hore uga sii socdaan, waxa loo baahan yahay in waxa khaldan aanay isku raacin ee la iska qabto oo maya la yidhaahdo. Kelamada ‘maya’ qaamuuska ummaddaha sida Ilaahay (S.W) ka waramay, marka ummaddu mayada la xishooto, waxaasi sax maaha marka ummaddu ka xishooto ee afka laga odhan kari waayo waa marka burburku ku xigo, taasina waa ta keenta inay halaagsamaan diktaytarada iyo inta sacabka u tumaysaa.”
 
 Md. Samaale waxa uu ku boorriyey ummadda Somaliland inay ilaashadaan waxa ay qabsadeen, loona baahan yahay inay halka ay maanta joogaan hore uga sii socdaan si aanay ugu dhicin burbur iyo halaag, isla markaana taariikhdu qori doonto madaxda dalka wanaag iyo xumaan wixii ay dalka ka geystaan.
 
 Guddoomiyaha oo ka hadlay arrinta siyaasiyiinta xidhan ee ururka QARAN, kuwaas oo uu sheegay in ay xaqdarro ku xidhan yihiin, isla markaana aanu isagu filayn in la soo dayn doono ee lagaba yaabo in la dilo iyaga iyo rag kale oo badan. Isaga arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Innagoo munaasibadda xuquuqul-insaanka xusayna ayaa maanta dad innaga mid ahi xidhan yihiin, haddii dhibaatada walaalkaa taabata aad dareemi waydo oo marka adiga ay ku taabato aad dareento waa ayaan-darro. Dadkaa xidh-xidhani xaq-darro ayey ku xidh-xidhan yihiin, haddaan la odhan xaq-darro ayey ku xidhan yihiin oo la yidhaahdo xaq bay ku xidhan yihiin qofka yidhaahdaa waa in uu ogaadaa in xaq-darradaa uu afka ka yidhi ay berri ku dhici doonto isaga. Marka dulmiga, gardarrada, xaqdarrada iyo cadaadiska la taageero ee ummadda magac been ah loo sameeyo ee dhalanteed lagu hago waa marka runtii burburku yimaaddo. Siyaasiyiinta xidhan iyo cid kasta oo dulmi lagu haystaba anigu waxaan aaminsanahay shaqsigaa xidhan karaamadiisu way siyaadaysaa. Tijaabadu maaha ashkhaasta xidhan ee waa inta dibadda joogta inta usha lagu eegaayaa.
 
 Siyaad Barre haddaad xasuusataan waxa uu ka bilaabay intii kacaanka la dhalisay, markii xidhiggii noqday shay caadi ah waxa xigay dil, haddana waxa xigtay intii tidhi sidaasi xaq maaha in iyagana la laayo. Arrintaa dhacaysayna waxa reebtay burburkii Soomaali oo dhan ku dhacay ee ilaa maanta Soomaali ka dhex socda, taas oo ka bilaabantay shakhsi. Wallaahi taariikhdaa Siyaad Barre iyo kuwo kale oo ka sii darraaba waxa muuqata in maanta saansaanteedii ay ka jirto dalkeenna.
 
 Masuuliyiinta xidhan oo Madaxweynuhu in badan ballanqaaday in uu soo dayn doono anigu waxaan qabaa in waxa ku xigaa uu yahay in la dili doono, waayo mar haddii in la xidhaa dambi noqon wayday oo ay dambiilayaal noqdeen, Maxamed Cabdi Gaboose ururkiisii la odhan jiray SAHAN markii uu hadhay isaga iyo saraakiishii u sarsaraysayba waxay ku biireen UDUB, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo aasaasayaashii SNM ahaa waxa uu mid noqday taageerayaashii u horreeyey ee UDUB, labaduba maanta halkay joogaan? Jeelka Madheera ayey ku jiraan. Anigu waxaan u arkayaa taariikhdaa mid la mid ah kacaankii Siyaad Barre, waxaanan u arkayaa xadhigoodaa inuu ku xigo dil, dadku waxay leeyihiin maxaa loo soo day la’yahay, anigu ma filayo in la soo daynayo, waxaan dareemayaa iyagana in la dili doono rag kale oo badana in la dili doono. In la dilo oo ay shahiidaan qiimo wayn ayey leedahay, waxaan u arkayaa dhimashadooda inay noqon doonto nolosha ummadda inta hadhay inay noqon doonto oo Somaliland u baahan tahay in dib loo xoreeyo, laakiin markan cid qaadan doonta hub ma jirtee waxa xorrayntu ku imanaysaa, maadaama xadhigii bilaamay dilkiina ha ku xigo, anna waxaan kuugu darayaa inta igu dul saarka ah.
 
 Lix bilood ayey siyaasiyiintaasi jeelka ku jiraan, ka badan laba, saddex iyo tobanba inta Madaxweyne Md. Daahir Rayaale Kaahin uu u ballanqaaday intaas oo dad ah oo kala duwan oo kala tirsan cid kasta oo ummadda ah iyo caalamka kaleba in uu sii daynayaa ma jirto, sow wali ma xidhna, waxaan qabaa in aan xukuumadda la odhan soo daaya ee dila, waayo waxaan nidaamkaa ahayn oo aynu naqaano oo aynu ku toosi karno, nidaamka maanta jiraana wax kaluu yaqaano ma jiro.
 
 Waxa lagu yaqaanaa madaxda xun inay had iyo jeer buun buuniyaan waxa xun ee dhalanteedka ah, waxa calaamad u ah xadhiga, xasuuqa, la dagaalanka xoriyadu qowlka iyo ugu mano sheegashada nabadgelayada. Waxaan la yaabay Madaxweynuhu marka uu doonayo inuu wax sheego Wasiiraddiisa ayuu u dhiibaa oo uu yidhaa hadla, waxayna qaar ka mid ahi ku eedeeyeen masuuliyiinta QARAN inay la mid yihiin Al-qaacida, hadlkaa anigu wasiir u aanayn maayo ee Madaxweynaha ayaan u aanaynayaa, waayo wasiirku waxa uu ku hadlayaa afka qofka doortay. Dalka maanta waxa ka dhacayana Madaxweynaha ayaa loo qabsan doonaa, waxaanan makhraati ka noqonayaa haddii kuwii shalay la iska saamaxay kuwa maanta in aan la saamixi doonin.”
 
 Waxa isna xafladdaa ka hadlay Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dhallinyaradii UFFO ee dhagaxtuurka ka bilaabay Soomaaliya, waxaannu si qoto-dheer uga warramay taariikhdii uu soo maray halgankii dadka reer Somaliland u soo galeen dib-u-xoraynta dalkooda, waxaannu sharraxaad ka bixiyey sidii dhallinyaradii UFFO u bilaabeen dhagaxtuurkii iyo sababtii keentay inay ka horyimaaddaan maamulkii xilligaa jiray oo uu sheegay inay ahayd dawlad digtaatoori ah oo dadweynuhu filayeen inay u dhaami doonto, haseyeeshee waxa uu xusay in dawladoodii ay la soo noqdeen ay ku noqotay mid la mid ah tii hore ee ay rideen. “Maxaa kaga soo baxay dawladdii iyagu ay doorteen, tii hore waxay ahayd mid xoog ku qabsatay waxayna kaga hortageen xoog oo way iska dhiciyeen, tii ay doorteen ee ahayd inay adeegto oo danahooda u fuliso waxay kala kulmeen waxaynu u wada joogno. Itaal wuxuu u kari waayey waa halkeeda, laakiin dhagar ahaan wixii ummaddu ka dhiidhiday ee ahayd cadaalad darradda inay maanta dalkeena ka taagan tahay oo ay xukuumaddii innagu dooranay ee codkeena ku soo baxday ee inoo adeegi lahayd inay inagula dhaqmayso wixii aynu shalay ka dhiidhinay.
 
 Ma lihin oo ujeeddadu maaha tii hore wixii aynu ku ridnay tana aynu ku ridno ee ujeedadu waxa weeye wixii aynu xaq dawladdeena ugu leenahay aynu ka doono oo yeynaan ka aamusin. Markaa maamulkii wuu qaloocday toosinteedana waxa leh xisbiyada mucaaridka ah waxaanad moodaa inay ka gaabiyeen, kaalintaana dadweynuhu way ka sugayaan.
 
 Waxaan leeyahay dadweynaha dawladani waa tii aad doorateen haddii sidii aad rabteen idiin maamuliweydo oo ay idiinku lisi waydo waxaad xaq u leedihiin in aad ka hortimaadaan oo aad hor istaagtaan, in aad golayaashiina aad soo doorateen aad is garabtaagtaan,” ayuu yidhi Axmed Muxumed Madar.
 
 Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa sheegay in sifo kasta oo xun oo bini aadan lagula kaco ay ka dhacday dalka, iyadoo mid walba marka la dhaafo la odhanayey maanta kan ku day. Waxaannu Md. Waqaf tilmaamay in dhibaatooyinkaa ka dhacaya dalka ay taariikhdu qori doonto ciddii ku kacday. Waxaannu si adag u dhaleeceeyey xadhiga siyaasiyiinta QARAN. “Waxaan leeyahay Ilaahay xukuumaddan maanta jirta si nabad ah ha inagu dhaafiyo,” ayuu yidhi Md. Waqaf.
 
 Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ah afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa ku sifeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay hayso dhabbihii kalidiitaliskii Siyaad Barre ee dadka reer Somaliland dhaxalsiisay lafaha ku jira xabaalaha Malko-dulduro, isagoo taa daliil ugu dhigay inuu Madaxweyne Rayaale ka dhego adaygay guddidii ugu tagtay dhexdhexaadinta.
 
 Mr.Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Guddoomiyaha wargeyska HAATUF isna halkaa ka hadlay, ayaa ku tilmaamay maamulka talada dalka haya kuwo ka sahay urursi ku jiro oo aan dan ka lahayn ictiraaf, isla markaana aanay dimuqraadiyadi iyo xisbiyo toona aanay maanta ka jirin Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in dawladnimadii iyo nidaamkii dalku xumaaday, iyadoo tallaabada kaliya ee maanta dalku u baahan yahay ay tahay in nidaamka maamul ee jira laga takhaluso. Waxaanu tilmaamay in isagu uu isku taxalujin jiray ictiraaf raadinta Somaliland, laakiin maanta ay shirarka caalamka ka gabadaan, sababtoo ah cannaanta kaga imanaysa bulshada caalamka.
 
 Waxa kale oo xafladdaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa ka hadlay arrinta weriyeyaasha ka soo qaxay dagaallada Muqdisho ee ku sugan caasimadda Hargeysa ee ay xukuumadda ku amartay inay dalka ka baxaan, isaga oo sheegay in ururka SOLJA ka soo horjeedo go’aankaas, isla markaana aaminsan yihiin in aanay suxufiyiintaasi ku kicin wax nabadgelyada Somaliland wax u dhimaya.
 
 “Shalay waxaad maqlayseen in Wasiirku Arrimaha Dibaddu sheegay in ay laba casho gudahood dalka kaga baxaan, taas oo ka bilaabmaysa maanta [shalay]. Annagu urur ahaan waxaannu u aragnaa in aanay nimankaasi [suxufiyiinta] halis ku ahayn nabadgelyada Somaliland iyo dalalka jaarka ah. Sidaa darteed, urur ahaan waxaannu codsanaynaa annaga oo ixtiraamayna doorka dawladda ee nabadgelyada in muddada loo kordhiyo ama lagaba daayo mastaafurinta suxufiyiintaa wallaalahayo ah,” ayuu yidhi Mustafe Shiine.
 
 Cali Ducaale Faarax oo ka tirsan hoggaanka ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka QARAN oo xafladda lagu martiqaaday, ayaa xusay in siyaasiyiinta ururka QARAN ee xidhan oo ah aasaasayaashii dalku ay sugayaan dadkooda, sidaa darteed loo baahan yahay inay wixii ay u qaban karayaan u qabtaan ee aanay xadhiga ku daawan.
 
 Guddoomiyihii hore ee dalladda SHURO NET Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna sheegtay in dhibaato kasta oo dalka ka jirta ay dadku ka doorbidayaan sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf. Iyadoo arrintaa ka hadlayeysayna waxay tidhi; “Uffo iyagoo dhallinyaro ah ayey garteen inay xumaanta dalka ka jirtay ka dhiidhiyaan oo ay iskaa-wax-u-qabso waddankii wax kaga qabtaan, maantana nasiib-wanaag iyagoo dad waaweyn ah oo sharaf leh oo waddankoodii jooga oo jeelashii lagu riday ka soo baxay ayey joogaan. Xuquuqul-insaanku waa caddaalad oo la raadiyo cidda ay ka maqan tahay ee maaha wax cid lagu xumaynayo cidna lagu hagaajinayo, caddaalad dhexdhexaad kama istaagi kartid, waana caddaalad ayaa jirta ama caddaalad-darro ayaa jirta. Waddankeenna waxaad ogtihiin in waxyaabo badan oo xuquuqul-insaanka loo diidan yahay ay jiraan, in siyaasiyiini xidhan yihiin oo ay fikirkooda u xidhan yihiin, waxaad ogtihiin sidii SHURO NET loo inqilaabay. Dadka reer Somaliland waxyaabahaa dhacaya oo dhan waxay ka doorbidayaan inay ictiraaf helaan. Wax kasta oo dhacana waxaannu u liqaynaa in aynu ictiraaf helno oo aannu ku hambalyeyno dadka ajaanibka ah ee dibadaha uga ololeeya ictiraafka Somaliland, xukuumaddana waanu la daba taagnaanaynaa khaladka ha la joojiyo, xuquuqul-insaanka ha la ilaaliyo.”
 
 Waxaanay Samsam intaa ku dartay inay toban neef oo adhi ah ay ugu daqeen Cisbitaalka Waalida Hargeysa iyo bil dawadeed, waxa kaloo ay xustay inay ugu deeqeen bustayaal ah suxufiyiinta ka soo qaxay Xamar ee xukuumaddu ku amartay inay dalka ka baxaan
 
 Xigasho Jamhuuriya Online

 
< Prev   Next >
Search

Maqaalo/Opinion

DALJIRE: Oob jac.. Dib u Jeeeeeso

Indhahaagu sow ma ilmaynayaan (maanso)

 
 
Maxaa Cusub
Codeyn
Maxaad Ka Xiiseysaa Webka?
 
Maxaad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka?
 
Who's Online
@copyright (C) 2007-2008 Somalilandnews.info