|
Warsaxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Go'aan ka soo saaray Muddo Kordhinta Golayaasha Deegaanka Somaliland |
|
|
Tuesday, 11 December 2007 |
|
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta go’aan ka soo saaray Muddo Kordhinta Golayaasha Deegaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku eg 15-ka Bisha December ee aynu ku jirno, go’aankaasi oo uu madaxweynuhu u gudbiyay Shirgudoonka Golaha Guurtida waxa uu u qornaa sedan:
‘’Sida aad ka war qabtaan mudada xilka Golayaasha Deegaanku Jamhuuriyada Somaliland waxay ku eg tahay 15- December 2007, waxa kalood la socotaan in saddexda Xisbi Qaran , UDUB, KULMIYE, UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July 2008.
Haddaba , Anigoo tix-raacaya dastuurka JSL , qodobadiisa 111-aad faqradiisa 1-aad iyo 42-aad faqradiisa 3-aad iyo go’aankii ay wada jirka u gaadheen Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranku , kaasi oo ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July , 2008.
waxaan si qadarin mudan idiinka codsanayaa in aad Golaha Deegaanka ee hadda jira u sharciyaysaan sii haynta xilka Mudadaa ka hadhay doorashada Golaha Deegaanka cusub’’.
Alla Mahad leh,
Siciid Cadaani Mooge, Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Warbaahinta |