|
Furitaanka Bogga Diinta iyo hirgelinta Shabakada Al Hidaaya.info |
|
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Marka hore waxa aanu Akhristayaasha sharafta leh ka raalli gelinaynaa hakadkii dheeraa ee ku yimid Update-ka Shabakada, anagoo ku howlanayn dhisida Bogga Diinta ee Shabakada iyo hirgelinta Shabakad gaar ah oo boggaas diintu yeelanayo. Illaahay baana mahadleh inoo fududeeyay hirgelinta iyo abuurista Bogga Diinta iyo Shabakada Al Hidaaya ( www.alhidaaya.info ) oo ah shabakad aqooneed, waxa kale oo mahad leh dhammaan cidii ka qayb qaadatay howshaa aadka u balaadhan ee Shabakada sida bixinta codadka, duubista iyo dhisida Shabakadaba. Intaa ka dib waxa aanu akhritayaasha sharafta leh ku wergelinaynaa in Bogga Diinta ama shabakada Al Hidaaya inteeda badani ay dhamaystiran tahay, inta hadhsana haddii alle yidhaahdo aanu si dhakhso ah u dhamaystiri doono. Sidoo kalena aanu Shabakadan Somalilandnews.info aanu sidii hore iyo si ka fiicanba aanu u update garayn doona, anagoo ku talo jirnana sidii aanu ugu soo kordhin lahayn barnaamijko kale oo xiiso badan. Ugu dambayn waxaanu akhristayaasha sharafta leh ku wergelinaynaa in Boggaa Diinta ee aadka u balaadhan in laba siyaabood loo soo booqon karo, kalana ah sidan:- www.somalilandnews.info/Diin iyo adiga oo toos u booqda shabakada cusub ee Al Hidaaya www.alhidaaya.info |