|
Sarkaalkii Jarmalka Ahaa Ee La Afduubay Oo La Sii Daayay |
|
|
Wednesday, 13 February 2008 |
|
Sarkaalkii ka tirsana Hayada Samafalka ee shalay lagu qafaashay Degaanka Ceerigaabo ayaa ciidanka Booliska ee Gobolkaasi ka soo daayeen dablaydii,ka dib markii ay laba ka mida ka dhaawaceen.
ku qaaday kooxdaa dablayda ah ayaa ku guulaystay inuu ku soo daayo Sarkaalkaa ka tirsanaa hayada Samafalaka,islamrkaana ku soo qabtay laba ka mida dablaydaas oo dhaawacan iyo gaadhi Nooca loo yaqaan seerafka,oo la hayd lambarka Puntland.
Gudoomiyaha degaanka Magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay inaan laga daba hadhayn inta ka hadhay kooxdii dablayda ahayd ilaa gacanta lagu soo dhigo.
Sarkaalkan hayada GAA,oo lagu magacaabo Danial,ayaa caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Dadweynaha magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabadan lagu soo dhaweeyay.
Wararka ilaa hada ka soo baxaya Masuuliyiinta Booliska Ceerigaabo ayaa tilmaamaya in kooxdan dablayda ahi yihiin niman Isir ahaan ka soo jeeda degaamada Puntland.haseyeeshe weli Boolisku arintaa shaaca kama qaadin.
Kayse Axmed Digaale
Burco.
Xigasho Jamhuuriya Online |