|
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro] ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawl-galkii lagu soo furtay ninkii Jarmalka ahaa Mr.Danial Brow ee shalay lagu qafaashay Deegaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu cadeeyey oo uu la socodsiiyey Adduun-weynaha in aanay Somaliland ku badbaadi doonin budhcadu awood kasta oo ay leeyihiin. Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga xor-waramay sidii loo soo furtay ninkaas lagu afduubay degaanka Ceerigaabo iyo xaaladiisu sida ay imika tahay. Waxaana Wasiirku sheegay in si weyn looga hawl-galay sidii looga soo dayn lahaa budhcadii qafaalatay ninkaas Jarmalka ahaa ee la odhan JirayDanial BrowGerman ooka hawlgeli jiray hay’ada Agro Action (GAA) xafiiskeeda Ceerigaabo, isla markaana waxa uu tilmaamay in ay si ballaadhan uga hawl-galeen Maamulka Gobolka Sanaag, Ciimada Qaranka, Ciidanka Booliska ee ka hawl-gala gobolkaas iyo dadweynaha ku dhaqan aagaas. “Sidaad og tihiin shalayto waxaa ka dhacaday Gobolka Sanaag degmasiisa Ceerigaabo dhacdo aad u fool xumayd, oo afduub ahayd, oo Somaliland aan u dhaqan ahayn ama hore aan loogu arag, qof kasta oo reer Somaliland-na meel kasta oo uu joogo ka nixisay, aad iyo aad-na looga xumaaday, werwer badanina dadkii galay.” Ayuu yidhi Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Ciro]. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“Hasayeeshee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, oo ay weheliyaan Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka iyo deegaanka meesha, ayaa waxa ay ilaa xalayto awoodooda saareen iyaga oo aad iyo aad ugu aamaanan, inay hawshaas cagta-cagta u saaraan, waxaanay nimankii [Afduubayaashi] Casarkii ka qabteen Baabuurkii.” Mar uu Wasiirku ka hadalayey wakhtigii gacanta lagu dhigay ninkaa Ajanebiga ah ee kooxdaas budhcada ahi afduubeen, waxa uu yidhi “Ugu dambantii xalay saddexdii ayay gacanta ku dhigeen ninkii Ajanebiga ahaa ee Jarmalka ahaa, ee ay nimankaasi af-duubeen.” “Laba nin oo ka mid ah Budhcadii waa la dhaawacay, hal qorina waa laga hayaa, waana lagu xeersan-yahay, oo imika waa lagu wareegsan yahay, iyada oo dad badan oo deegaanka ahina ka soo qayb-galeen gurmadkii.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Ciro. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ciro waxa uu mahadnaq iyo amaan u soo jeediyey Ciidanka Qaranka Somaliland, Tallaabadaas geesinimada leh ee ay ku soo badbaadiyeen ninkaa Ajanebiga ah ee afduubka loogu haystay. “Waxaan ammaanayaa Ciidanka Qaranka Somaliland, oo aan leeyahay geesinimo ayaad muujiseen iyo sidaa aad ugu hiilseen markiiba Ummadii, sumcadii dalkana aad kolkiiba tusteen Adduun-weynaha, iyo in Ciidanka Qaranku cadaw gudeed iyo mid dibad-ba in uu tallaabo adag ka qaadi karo.” Sidaa ayuu yidhi Md Cabdilaahi Ciro Sidoo kale waxa uu Wasiirku mahadnaq u soo jeediyey Maamulka iyo dadweynaha Gobolka Sanaag, sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaateen soo daynta ninkaas Jarmanla ah. Waxaana Wasiirku sheegay in xaalada ninkaasi ay wanaagsan tahay, oo uu wakhtigan ceerigaabo ku sugan yahay, isla markaana ku faraxsan yahay sii dayntiisa iyo sida wanaagsan ee looga hawl-galay soo furashadiisa. Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu Adduun-weynaha ugu baaqay, oo uu yidhi “Adduun-weynaha iyo dadkaba waxaanu u sheegaynaa in aanay halkan [Somaliland] budhcad ku badbaadi doonin, tamartay doonaan-ba ha la haadaane, Ciimadayada amniguna ay diyaar u yihiin in ay ku dhuftaan. Hadalkan Wasiirka ayaa ka danbeeyey kadib markii shalay Sarkaal ka tirsan hay’ada German Agro Action (GAA) xafiiskeeda Ceerigaabo, shalay lagu afduubay tuulada Rugey oo ku taala jidka u dhaxeeya Ceergaabo iyo degmada Maydh oo ka tirsan gobolka sanaag. Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland. |