|
Maxaa Itoobiya Hargeysa Looga Soo Dhaweeya, Muqdishana Loogu soo dhawayn waayay? Bashiir Good Hogaamiyayasha mucaaridka Somaliland waxa ay u muuqdaan in ay waayeen Jiheeyahoodii siyaasadeed tan iyo markii dawladda federaalka ee ku meel gaadhka ahi ay meesha ka saartay maxkamadihii islaamiga magaalada Muqdisho. Markii ay ilaabeen in Somaliland ay Itoobiya ugu xidhantahay arrimo muhiim ah, waxa ay bilaabeen hogaamiyayaashaasi in ay dhaleeceeyaan Itoobiya waxa ay ugu yeedheen duulaanka Itoobiya ee Soomaaliya, inkasta oo ay si dadban ay u dhaleeceeyeen. Hogaamiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la barbardhigay weerarka ay ciidamada dawlada federaalka ku meel gaadhka ee Soomaaliya oo ay taageerayso Itoobiya ay ku qaadeen dadyow kacdoon ka wada Muqdisho garaacidii Siyaad Barre u gaystay Hargeysa iyo magaalooyin kale oo Somaliland ah. Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka (UCID), sidoo kale waxa uu ku tilmaamay hawlgalka militari ee Itoobiya ay ka wado Muqdisho mid xaaraan ah. Haddaba marka aynu maqalno weedhahan ka soo yeedhaya hoggaamiyayaaasha wadan ku dhisan taagerada itoobiya jiritaankiisa dhul siyaasadeedna uu ku xidhan yahay Itoobiya, waxa ay inagu dhalinaysaa in aynu iswaydiino halka ragan ay xusuus xumadu kaga dhacday. Cid uun ayaa haddaba ku qasban in ay xasuusiyaan hoggaamiyaashan in aqoonsiga Somaliland soo marayo Addis Ababa iyo in Itoobiya ay ahayd tii siisay hoyga qoxoontiyadii Somaliland sanado, siisayna qoryo iyo saanadba si ay u dagaalamaan markii ugu dambaysayna jabiyay taliskii diktaatooriga ahaa ee Siyaad Barre. Cid uun ayaa laga yaabaa in ay xasuusiso labadan siyaasi in ay saraakiisha militariga ah iyo wakiilada siyaasadeed ee Itoobiya ay ahaayeen kuwii goob jooga u ahaa shirwaynihii ay Somaliland dib ugu soo dhalatay ee lagu qabtay Burco bishii May 18, 1991, run ahaantiina waxa ay ahayd maalintii ugu horaysay ee calanka Itoobiya laga taago ciida Soomaaliyeed iyada oo Itoobiya lagu sharfayo. Cid uun ayaa xasuusin doonta labadan hogaamiye in Addis Ababa ay tahay ta siyaasiyiinta Somaliland soo dhawaysa siisana fursad ay Somaliland arinkeeda kaga iibiyaan saraakiisha Afrika iyo dibloomaasiyiinta ajanabiga ah. Xaqiiqdii waa Itoobiya ta tababarta militariga Somaliland siisana hubka iyo dirayskaba. Waxa lala yaabaya sababta ay labadan hoggaamiye ay uga hadlayaan waxa ka dhacaya Muqdisho si sidaas u xaasaasi ah taas oo u muuqata in Somaliland ay wali qayb ka tahay Soomaaliya. Maxay u fahmi la’yihiin in Somaliland, sida Jabuuti, Kenya iyo sida wadamada kale ee Afrika ay tahay in ay taageerto mawqifka ururka midnimada Afrika ee taageeraya dawlada ku meel gaadhka ee Soomaaliya iyo in ay fahmaan sababaha ku dhaliyay itoobiyaanku in ay faragaliyaan Soomaaliya. Way adkaanaysaa in la fahmo ujeedada hoggaamiyayaashii mucaaridka ee Somaliland ku waas oo u muuqda in ay imikuun ku soo baraarugeen qaylada cabashada ah ee ka soo yeedhaysa dadka degan Muqdisho. Maxaynu u maqli waynay qayladoodii dheerayd, murugadoodii iyo dhaaleecayntoodii dambiyadii laga galay bani’aadamka ee lix iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay ay qabqablayaasha dagaalka ee bilaa naxariista ahi ay u qaysteen noocyada kala duwan ee tacadiya ah dadka dagan Muqdisho. Miyayna u qaadayn qabqablayaasha heesta hooyadu u qaado ilmaheega waliba miyayna ahayn in ay farxad ka helayaan jahawareerkii iyo xasuuqii Muqdisho. Haddii ayna tani dhab ahayn maxaa qabqablayaashii xumaanta ku caan baxay sida Cismaan Caato, Muuse Suudi iyo Bashiir Raage loogu soo dhaweeyay Hargeysa iyadoo loo goglay rooga cas, halka dadkii Somaliland u dhashay ee aan dambiyo ka galin umadda sida Jaamac yare la xidho lagana mastaafuriyo wadankiisi hooyo. Sababta ay ku timid dareenka walaaltinimo ee xadiiska ahi ee aynu qabno Hawiyaha waa in la iswaydiiyaa? Faysal Cali Waraabe miyuu iloobay kalmadihiisu caanka ahaa ee ahaa “Ninka Addis Ababa ku dhashay ayaa dhaqan ahaan Somaliland uga dhaw qofka ku dhashay Muqdisho…” Dadka kacdoonada ka wada Muqdisho ee xamaasadaysan miyay dhab ahaantii rumaysan yihiin in Hawiyuhu taageeri doono madax banaanida Somaliland? Miyayna xasuusan diidmadii aan madmadowgu ku jirin ee Cali Mahdi, Cabdi Qaasim Salaad, Cali Maxamed Geedi ay ku diideen gooni isu taaga Somaliland? Miyayna xasuusan hanjabaadii isdaba jooga ahayd ee Maxaakiimta Islaamigu ay Somaliland ugu hanjabeen in ay Hargeysa soo weerayaan? Haddii aynu ka soo qaadno in labadan hogaamiye ay si daacadnimo ah ay uga soo horjeedaan qabsashada Itoobiya dadka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya, maxay u dareemi la yihiin haysashada Itoobiya gobolada ogaadeen? Maxay u dhaleecayn waayeen masuuliyiinta Somaliland markii ay xidheen dad ogaadeen ah gacantana uga galiyeen Itoobiya? Muxuu dhiiga Soomaaliyeed ee Muqdisha laga daadiyaa uu reer Somaliland ugaga qaalisanyahay dhiiga Soomaalida Qabridaharre, foolxeer, Farmadow, Gurdume, Madax-maroodi iyo Karin Bilcille? Sidoo ay ku timid in ay murugo u muujiyaan maxaakiimtii islaamiga ee la caydhsaday iyaga oo og inay ka mid yihiin sheekhyo Somaliland ah oo doonaya sida ay wataan in ay ka hirgailyaan Hargeysa iyo in Silaanyo iyo Faysal in ayna iska dhigin rag ku rajowayn madaxwayenimada ay ka noqonayaan Somaliland. Waa arrin khalad ah walibana xaqiiqdana laga murugoodo in la arko hoggaamiyayaashii mucaaridka Somaliland oo u dhaleecaynaya Itoobiya si dadban taageerada ay siiso dawlada federaalka ee ku meelgadhka ah halka ay Somaliland ay siyaasad iyo militari ahaanba ay ku xidhan tahay Itoobiya Waa wakhtigii dadka Somaliland ay garan lahayeen in ayna laba siyood ayna ku wada jirin karin. Kuma naaloon karno nabad iyo xasilooni inaga oo dafirayna walaaleheena Koonfurtuna in ay sideenoo kale noqdaan maxaa yeelay haddii dawlada federalka ee ku meelgaadka ahi ay burburto, Soomaaliya waxa ay galaysaa taariikh madaw, Uma diidi karno cid kale in ay soo faro galiyaan arrimaheena gudaha inoona ogolaadaan in aynu faro galin arrimaha dad kale, ma sheegan karno dawlad xor ah oo madax baanaan una dhaqano sidii in aynu wali nahay gobol ka mid ah Soomaaliya, taas oo aayaheenu ku xidhan yahay Muqdisho. Maxaynu cashar uga baran waynay Djibouti, oo ah dawlad Soomaali ah oo madaxbanaan taas oo hanatay xornimadeeda dhexna ka ah waxa ka dhacaya Soomaaliya? Maxay dadka reer Somaliland ay sidaas oo kale u samayn kari la’yihiin una ogolaan laayihiin in siyaasada qaran ee dalka ay ku salaysnaato danta qaranka oo aanay ku xidhnaan qiiro xamaasadaysan. |